Yaa sabab u ah hoos u dhaca ku yimid daawashada kubadda cagta dalka?
Kubadda cagta waa mid kamid ah noocyada
cayaaraha ee sida weyn loo xiiseeyo,
dadka jecel kubadda cagta ayaa lagu sheegaa 4 billion oo ruux marka loo eego
dadka kunool dacallada dunida oo lagu qiyaaso 7.3 billion, taasi oo ku
tusineysa in kubadda cagta xiisaheeda keliya halkaan lagu iftiimin karin balse
daah ma saarna in si weyn loo daneeyo.
Soomaaliya waxa ay kamid tahay dalalka sida
weyn loogu ixtiraamo,waxaa la sheegaa in kubadda cagta kahor xornimada loo
ciyaari jirey hab ku saleysan qabiil, laakiin markii uu yimid ururkii xornima
doonka S.Y.L waxa uu u bedelay aragti kale oo ah in farac kasta oo kamid ah
ururka Leegada loo qabto tartamo, tusaale magaalooyinka ay gacanta ku hayaan in
laga qaban qaabiyo kulamo ay ciyaaraan taasi oo ku tusineysa xiisaha ay
Soomaalidu u heyso ciyaarista kubadda cagta.
Kaddib markii aan xornimada qaadanay sanadkii
1960, waxa uu kobac ku yimid xiisaha loo qabo kubadda cagta, markii uu dhashay
kacaankii 1969, waxa uu gaaray heerkii ugu sarreeyay maadama xilligaasi kooxuhu
ay hoos imaan jireen hay’adaha kala duwan ee dowladda, kooxiihii xilligaasi
dhisnaa waxaa kamid ah: Horseed, Jeenyo, Minishiibiyo, Waxool, Madbacadda,
Batroolka, Badda, Fiat, Otabaarko (Gaadiidka), iyo Isnaay Biyaaso, taasi oo ka
imaan jirtay magaalada Jowhar. Hadda kooxaha qaar magacyadoodii dib baa loo soo
nooleeyay qaarna waxaad mooddaa in laga gaabiyey soo nooleentooda sababtii ay
doonto haku timaadee.
Hadda kubadda cagta Soomaaliya waxa ay ku
socotaa si qurux badan oo waxaa lagu cayaaraa garoomo ka sameysan cooska
macmalka ah oo ku wanaagsan in lagu cayaaro, tusaale ahaan magaalada Muqdisho
oo ah xudunta koowaad ee dalka waxaa ku yaala garoomo badan oo lagu cayaaro
kubadda cagta sida garoomada yaryar ee loo yaqaano Salaxa oo qaarkood lagu
goglay roog, sidoo kale caasimadda waxa ay qaabishay garoomada ugu waaweyn ee
dalka sida Muqdisho Stadium iyo Banaadir ama Koonis waxaase u dheer garoonka
Jaamacadaha oo sanadihii lasoo dhaafay aad loo adeegsaday.
Dabcan iyada oo ay ku yaallaan goobahaas aan
soo sheegnay haddana daawashada iyo xiisaha waxaad mooddaa in ay aad ugu
hooseeyaan sidii uu beri ahaan jirey oo aheyd in shattiga kulamada la iibsado maalmo kahor
kulanka.
Magaalada Muqdihso waxa lagu cayaaraa horyaalka
dalka, koobka General Daa’uud, kan degmooyinka iyo kuwa kale, kuwaas oo
dhammaantood si hoose marka loo eego isku muuqaal dhaw dhanka taageerayaasha
soo xaadiraya kulamada.
Ogaanshiyahayga hoos u dhaca kaddib waxaan la
kulmay laacibiin hore, kuwa aan weli kabaha dhigin, macalimiin iyo
mas’uuliyiin, kuwaas oo ii sheegay in liidashada daawashada kubadda cagta lagu
eedeyn karo ma’uuliyiinta kooxaha oo iyagu in ay mushaar siiyaan iskaba daaye
aan ka warqabin sida uu xaalkoodu yahay cayaryahanada iyo shaqaalaha kala duwan
ee kooxda u diiwaan gashan. Kooxaha qaar ee dalka waxay hoos tagaan hey’adaha
kala duwan ee dowladda, halka kuwa kalena ay maamulaan shaqsiyaad gaar ah.
Wasaaradda howlaha guud iyo dib u dhiska (
Kooxda Jeenyo).
Wasaaradda batroolka iyo macdanta (Kooxda Batroolka).
Wasaaradda xanaanada xoolaha (Kooxda Waxool ).
Wasaaradda warfaahinta dhaqanka iyo dalxiiska (
kooxda Madbacadda )
Wasaaradda gaadiidka badda iyo dekadaha (
Kooxda Dekadda Ex Badda).
Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada
Soomaaliya ( Gaadiidka Ex Otabaarko).
Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ( Kooxda
Horseed )
Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ( Kooxda
Heegan).
Caadiyan sida aan qiyaasan karno marka ay
dowladi ku maalgelineyso waa ay ka wanaagsan tahay marka shaqsi uu ku qarash
gareynayo, laakiin hadda waxaad indhahaaga ku arkeysaa in taasi aysan jirin oo
shaqsiyaadka sida gaarka kooxaha u maamula ay ka wax qabad badan yihiin kooxaha
kale ee hey’adaha dowladda hoos yimaada. Ka gaabiska hey’adahaan iyo hoos u
dhaca daawashada waxaa tusaalle dhow kuugu filan in kooxdii ugu taageerayaasha
badneyd ee Jeenyo ay ka tageen laacibiintii ugu wanaagsaneyd oo ay kooxi leedahay,
kooxda Jeenyana ay qaarka u fuushay in dhaqaalo xumo darteed ay u burburto,
taas oo ugu danbeyn sababtay in labada garoon ee Koonis iyo Jaamacadaha
lumiyaan jamaahiirtii quruxda badnaa ee Jeenyo usoo xaadiri jiray.
Bal qiyaas koox hoos timaada wasaarad oo ay
ciyaatoyda u diiwaan gashan aysan mushaar qaadan, keliya qado ahaan loo siiyo $10 kulanka
markaa u jira, waxaa u dheer ineysan jirin xarumo u gaar ah oo ay ku qaataan
tababarada iyo wax waliba oo ay ciyaartoydu sare ugu qaadi lahaayeen xirfadooda
kubadeed. tusaale qaar kamid ah xiddigihii barisamaadka ee xulka qaranka
Soomaaliya oo aan la sheekeystay waxay ii sheegeen in ay ka lacag badnaayeen
shaqaalaha dowladda, sidoo kalena ay u dhameytirnaayeen agab waliba oo
ciyaartoyda muhiim u ah, sida garoomo, xarumo jirdhis iyo mushaar joogta ah.
Rug caddaa Sport ayaa mar ila wadaagay in talo
ahaan ay la wanaagsantahay in koox weliba loo sameeyo garoon u gaar ah, xarun
jirdhis, mushaar joogta ah iyo in naadi
weliba gawaari loogu tala galay taageerayaasha laga gacan siiyo si loo
dhiirregeliyo taageerayaasha – garoomadana u camirmaan. Koox welibana amar lagu
siiyo in ay soo gudbiso liiska taageerayaasha u diiwaan gashan kooxda. si mar
kale loo soo celiyo xiisihii iyo xamaasaddii cayaaraha dalka.
Qore: Mohamed Hassan
Mohamed
Kala
xiriir: farriin-danabeed; Mohassan484@gmail.com.
No comments