Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

La Kulan- Ninka 45-kii sanno lasoo dhaafay dhigayay afka hooyo



Faarax Xuseen Maxamed waxa uu ku dhawaad muddo 45 sanno ah dhigayay afka hooyo isaga oo kamid ahaa macallimiintii loo qaatay barnaamijka waxbarashada aasaasiga ee Primary Program ( PP).

Waxa uu xirfadda barannimada noqday isaga oo 20 jir ah waxayna aheyd sannnadkii 1976-kii , waxa uu dhige ka ahaa  iskuullo  hoos imaan jirey waxbarashadii sarreysay ee xukunka Kacaanka xilligaasi.

Laga soo bilaabo 1976-kii ilaa 1982-kii ayuu ka qeyb ahaa waxbarashada aasaasiga ee PP. Intiii u dhaxeysay 1982-84, ayuu dhiganayay jaamacadda Ummadda qeybta waxbarashada ee Lafoole oo uu taqasus ahaan uga baxay luuqadaha soomaaliga iyo englishka, iyadoo xilligaasi baahi loo qabay macallimiinta, waxaana heerka jaamacadda aasaasiga lagu soo koobay laba sanno.

1984-kii markii uu soo idleystay heerka jaamacadda waxa uu kamid ahaa barayaal loo qaaday magaalada Beledweyne isaga oo dhige ka noqday iskuulka Axmed Warsame Secondary School oo Beledweyne ku yiillay balse markii danbe waxaa loo soo weeciyay Muqdisho gaar ahaan iskuulka Wadajir Secondary school oo hadda loo yaqaan Tadaamun.

Mar uu u warramay Raadsanmedia ayuu yiri :“Xaqiiqdii kuma dhihi karo waa intaa ardayda aan waxbaray balse waxay kor u dhaafayaan 50,000 oo arday, xittaa mararka qaar waxaa igu adkaada in aan fahmo marka ay i salaamaan”.

Kaddib markii ay burburtay dowladdii Kacaanka waxa uu muddo shan sanno ah ugu baxay dibadda balse sannadki 2000 ayuu bilaabay u gaar noqoshada afkeenna hooyo, ilaa iyo hadda  ayuu ku guda jiraa dhigidda af- soomaaliga isaga oo labada gelin ee maalinka wax ka dhiga laba iskuul.

“Waxyaabaha i dhiira geliya ayaa ah in aan dhigo afkeenna kaasi oo ah midka keliya ee innaga dhaxeeya haddii aynu nahay ummadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri ustaad Faarax.

Waa wax adag in aad muddo ka badan 40 sanno aad barre ka noqoto dhigidda afka hooyo balse Faarax Xuseen Maxamed waa tusaalaha nool ee maanta kaasi oo jiilka uu waxbaray iyo kuwa uu hadda barayo ay ku nafcin doonaan.

W/Q: Mohamed Hassan Mohamed oo ah helaha iyo dhigaha Raadsanmediablogspot.com

Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com

6 comments:

  1. Maasha allaah runtii aad baan baan ubogaadinayaa macallinka waqtigaas dheer kubixiyay afkeenna hooyo.
    Sidoo kale waxaa isoo jiitay wariyaha qormaadaan qoray sida uu qoraal qhqan utifah tiranyhay iyi qaabka uu'uadeegsanaayaayo ereyada kuhaboon qormadaan.

    ReplyDelete
  2. Masha allah ustaad farax axmed gurey ayu macalin iguso noqday waa macalin sheeko badan iyo farxad

    ReplyDelete
  3. mashaa aaalh ustaad faarax soamli waa ifarxad in aad kuwada lix sano aad ii dhigto somaliga

    ReplyDelete
  4. Masha allaah Ustaad faarax salaan sare farxad ayey nootahey in aanku aragno

    ReplyDelete
  5. Aniga ayaaba ka mid ah ardeyda ustaad faarax soomaali ilaahey cimrigiusa ha dheereeyo

    ReplyDelete