Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

50 sanno kaddib, Masjidkii ugu horreeyay oo laga furay Slovenia



Sannado badan, Slovenia ma aysan laheyn wax Masjid ah tan iyo markii uu burburay masjidka keliya ee ku yiillay kaddib dagaalkii koowaad.

Muslimiinta Slovenia ayaa saxiixay sannadkii 1964-kii qorshe lagu dhisayo masjidkii ugu horreeyay.

Isniintii, in ka badan  50 sanno kaddib, Slovenia ayaa laga daah furay masjidkii ugu horreeyay oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Ljubljana.

Hoggaamiyaha bulshada Islaamka, Mufti Nedzad Grabus ayaa Business Recorder u sheegay in masjidka ay noloshooda u juheyn dooonaan.

Slovenia waa dalkii ugu danbeeyay ee ka tirsannaa  Yugoslav oo laga hirgeliyo masjid.

Dhismaha ayaa billowday sanndkii 2013, qiimaha lagu dhisay ayaa lagu sheegay 34 million oo euro, 28 million oo kamid ah waa deeq ka timid Qatar, sida ay werisay Grabus.

Masjidkan ayaa qaadi kara 1400 oo cibaado doon ah.

No comments