Sheekada: Haweenaydii ugu horreysay oo baaskiil ku tagta magaalada Makka
Haweeney Tunisiyaan ah ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee baaskiil ku tagta magaalada barakeysan ee Makka.
Sara Haba ayaa u safartay Saudi Arabia si ay usoo xajiso kaddib markii ay kasoo dhaqaaqday dalkeeda Tunisia, wuxuuna safarkan uu ku qaatay muddo 53 maalin ah.
Haba intii ay ku guda jirtay safarka waxa ay martay saxaraha isku xira Masar iyo Sudan muddo isbuucyo ah oo weliba si la siman aqoonteeda waddo marista ayay halkaasi ku safartay balse wixii ka danbeeyay waxa ay adeegsatay hashtag u dhignaa sida #cyclingtomecca.
“Waan baqayay in aan meel waliba ku joojiyo. Ma ogeyn halka aan ahaan doono, ayay barteeda Instagram ku daabacday.
Haba waxa ay ka walwal saneyd haddii loo diidi doono in ay gudaha u gasho magaalada Makka si ay usoo xajiso, balse cabsidaasi kama reebin in ay safarkeeda wadato.
Sharciga u yaalla Sacuudiga ayaa diidaya, in haweeney ka yar da'da 45 sanno oo u baahan in ay gudaha u gasho magaalada Makka si ay usoo xajiso looga baahan yahay visa iyo in uu la socdo qof mahram ah.
No comments