Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Shiinaha oo tusbaxa ka sameeya lafaha doofaarka una iib-geeya Sacuudiga


Muslimiinta ku nool dhammaan daafaha dunida ayaa adeegsada xarigga kuusha ku xiran ee loo yaqaan Tusbaxa, si ay ugu xisaabiyaan digriga Alle. Tusbaxa inta ugu badan waxaa laga helaa guryaha Muslimiinta si xilliyada salaadda ay u adeegsadaan oo uusan ugu dheeraan taasi oo keentay in ay soo iibsadaan.

Soo iibsadayaashu isma weydiiaan wax ku aaddan halka lagu sameeyay iyo sida loo sameeyay. Masuuliyaddeennu waxay aheyd in aan hubinno halka lagu sameeyay tusbaxaan. Laakiin inta badan dadka ma fahamsanna xaqiiqda ah in uu xalaal yahay iyo in kale.

Si kastaba, muuqaal dhawaan soo shaac baxay ayaa ifiyay in kuusha tusbaxa ay soo saaraan dalka Shiinaha isla markaanna laga sameeyo lafaha doofaarka.

Marka ay timaado ka ganacsiga tusbaxa waxay dadka Shiinaha u iib-geeyaan boqortooyada Sacuudiga halkaasi oo ah suuqa ugu weyn ee Shiinaha dhinaca tusbaxa, maadaama Muslimiinta ku nool dhammaan dunida ay u safraan Sacuudiga si ay booqasho ugu tagaan magaalooyinka Makka iyo Madiina, waxayna qaarabada iyo saaxibadooda usoo iibiyan waxyaabo badan oo uu kamid yahay tusbaxa.

China ayaa la sheegay in Sacuudiga si jumlo ah wax ugu iibiyo isla markaanna qiimo jaban uu ka siiyo taasi oo kordhisay dalabaadka.

No comments