Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Sheekada: Ninka barafka


“Waxa aan annigu awood u leeyahay qof waliba waa uu sameyn karaa.” Waa halkudhegga Wim oo 17 jirkiisii bilaabay in uu ku noolaado agagaaraha barafka, isaga oo dadka bara la noolaanshaha habkan.

Wim Hof waxa uu sannadkii 1959-kii ku dhashay dalka Holland, waxay dadku ugu yeeraan “ Ninka barafka" isaga oo awood u leh ku dhex jiridda barafka muddo saacado ah taasi oo ka dhigtay in loogu magac-dhabo naaneystaaan.

Farsamadaan mar la arragga ah Wim waxay ka saacidday in uu helo tiro abaal marinno caalami ah oo kor u dhaafaya 20 oo ay kamid tahay hay’adda diiwaan gelisa dhacdooyinka layaabka dunida.


Guulaha Wim.

2007: Waxa uu ku fuulay 6.7 ama  (22,000 ft) oo buurta Everest ah laakiin waa uu ku guuldarreystay in uu sii wado safarkiisa buurta kaddib dhaawac kasoo gaaray cagta.

2008: Waxa uu jebiyay rikoor oo uu horey u dhigay oo ah ku dhex jiridda ama ku quusidda barafka kaddib markii hal saac iyo 13 daqiiqo uu ku jirey barkadda taasi oo ay aqoonsatay Guinness World Records 2008.

2009: bishii Febraayo Hof ayaa gaaray halka ugu sarreysa ee buurta Kilimanjaro keliya waxay ku qaadatay gaaridda halkaasi laba maalin.

2010: Hof ayaa kal kale jebiyay rikoorka quusidda barafka isaga oo markaan ay ku qaadatay hal saac iyo 44 daqiiqo tartan ka dhacay magaalada Tokyo ee dalka Japan.

Hadda waa ninka heysta rikoorka ku quusidda barafka isaga oo ay aqoonsan tahay hay'adda dhacdooyinka caalamka diiwaan gelisa ee The Guinness World Record kaddib markii uu hal saac iyo 52 daqiiqo ku dhex jirey barafka tartan ka dhacay New York bishii November sannadkii 2011.



No comments