Luxembourg oo noqday dalkii ugu horreeyay oo bilaash ka dhiga gaadiidka dadweynaha
Iyada oo la isku dayayo yareynta ciriiriga, Luxembourg
ayaa noqday dalkii ugu horreeyay dunida ee bilaasha ka dhiga gaadiidka
dadweynaha laga bilaabo February 29. Tani waa markii ugu horreysay oo lasoo
saaro go’aan xaqiijinaya in dalka oo idil gaadiidka dadweynaha laga dhigo mid
bilaasha ah, sida uu xaqiijiyay wasiirka gaadiidka.
Go'aanka kasoo baxay xukuumadda Luxembourg ayuu ujeedkiisu yahay sidii hoos
loogu dhigi lahaa ciriiriga waddooyinka, sida ay werisay AFP. Sidaa darteed qorshahaan waxa uu abuurayaa in qof walba ay
sannadkii u keydsami doonto ku dhawaad 100 Euro oo u dhiganta ($ 110).
Dadweynaha qaar ayaan ogeyn isbeddelka ka
dhacay dalkooda ee ku aadan gaadiidka, “Ma bilaasha baa? Ma aanan ogeyn,” ayay
tiri haweeney ku magacaaban Dominiqu.
Qorshahaan bilaashka looga dhigayo gaadiidka
waxaan ku jurin tikidhada heerka sarre ee tareenka iyo basaska habeenkii u
adeega bulshada.
Inta ugu badan dadka ku safra Luxembourg
waxay adeegsadaan gawaaridooda qaaska ah sida lagu sheegay daraasad la daabacay
sannadkii 2018. Isticmaalka baska halkaan waxaa shaqadooda ugu safra keliya 32% halka tareennada ay ku safraan dad lagu
qiyaasay 19% sida ay werisay AFP.
No comments