Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Barkhad Cabdi: Basharkii bidhaamay!




Barkhad oo lagu tilmaamay aktarkii  mucjisada sannadkii 2013, ayaa saameyn weyn ku yeeshay filimkii ka hadlayay burcad badeedda Soomaaliya ee la magac baxay ‘Captain Phillips’ kaasi oo qabsaday indhaha dadweynaha caalamka.

Magaciisa oo dhammeytiran waa Barkhad Cabdinaasir Cabdi waxa uu ku dhashay Muqdisho sannadkii 1985-kii, markii uu todobo jir ahaa isaga iyo qoyskiisa ayaa u qaxay dalka Yeman iyaga oo baxsad ka ahaa dagaalkii sokeeye ee dalkeenna, muddo todobo sanno oo ay ku noolaayeen Yeman kaddib waxay tegeen magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota markii uu jirey 14 sanno.

Kahor inta uusan ku biirin xirfadda jilidda aflaamta, waxa uu Barkhad iibin jirey taleenafannada isaga iyo walaalkii xarun dukaameysi oo ku taalla Minneapolis, sidoo kale waxa uu ahaa darawal kaxeeya gaadiidka.

Filimkii Captain Phillips’ waxa uu Barkhad ka helay hanti dhan $65,000 iyada oo ay aheyd markii ugu horreysay oo uu kasoo muuqdo.

“Markii aan kasoo dhaqaaqay dalka Yemen oo aan imaaday America, wax waliba waxay ahaayeen kuwa adag.  Aabbahay shaqo ma uusan heysan, waxa aheyd mid caqabad ah. Markii aan ku noolaa Yemen, waxaan America u maleyn jirey goob wanaagsan. Waxan lahaa riyo weyn, riyada Americanna waad ogtahay, waa in aad u shaqeysaa si adag si aad u rumeyso riyadaada”. Ayuu yiri Barkhad.

Sannadkii 2013, Barkhad Abdi waxa ay u aheyd xilligiyadiisii guulaha isaga oo ku guuleystay tiro abaal marino ah oo uu ku muteystay dowrkii uu ka qaatay filimkii Captain Phillips’ sida  Black Reel Award ,  Best Supporting Actor, Capri Award, Breakout Actor, London Film Critics iyo sidoo kale Best Breakthrough Performance, dhammaanba guulahaasi waxay ku imaadeen saameytii cajiibsaneyd ee u ku yeeshay Captain Phillips.


No comments