Haweeney masjid ku dhistay mushaarka saygeeda oo ay kaydisay muddo 30 sanno ah
Haweeney
u dhalatay dalka Sacuudiga ayaa qabsatay baraha bulshada gaar ahaan Twitterka
kaddib markii ay aruurisay mushaarka saygeeda muddo ku siman 30 sanno isla
markaanna waxa ay lacagtaasi u adeegsatay in ay ku dhisto masjid.
Sheekada
haweeneyda waxaa baraha bulshada soo dhigay wiilkeeda lagu magacaabo Mohammad
Al Harbi.
Dhigaha
sheekada ayaa soo qoray qoraal iyo sawirka hooyadii oo hor taagan masjidka
dhawaan dhiska ah si ay ugu cibaadeystaan muslimiinta, xilli ay uga tabarucday
aabihii.
“Maxaad
hooyo wacan tahay, marnaba ma aysan ku raaxeysan mushaarka aabbahey. Muddo 30
sanno ah oo ay aruurineysay mushaarka waxay dhalisay in masjid uu ku magacaaban
yahay aabbahey ay dhisto. Isaga Alle ha u waasiciyo qabriga. Waxan rajaynayaa
in Allaah uu nagu mideeyo qabriga.” Ayuu yiri wiilka dhigay sheekada.
Saacado
kaddib dhigaalka ayaa noqday mid fida isla markaanna saameyn ku yeesha
shaqsiyaadka la saaxibka ah wiilka. Akhrisadeyaasha ayaa billaabay ka aragti
dhiibashada sheekada.
Mid
kamid ah dadka ka hadlay dhigaalka ayaa yiri: “Haddii aan heysan lahaa lacag
igu filan, waxan iyadu ugu deeqi lahaa dhammaan lacagaihii ugu baxay dhismaha
masjidka”
Shaqsi
kale ayaa isaguna qorey: “Tani waa micnaha daacadnnimada”.
No comments