Afroz Shah: Isha xeebta!
Mid kamid ah dhibaatooyinka maanta dunida ku
foolan waa bacda taasi oo bulshada caqabad badan kala kulmaan, dhibaatooyinkaas
mid aan ka duwaneyn waxa iyaguna dareema noolaha kale sida kuwa ku nool biyaha,
bulshadunna inta badan diiradda ma saaraan sidii loo yareyn lahaa caqabaddaasi.
Sannad kasta, wax lagu qiyaasay 8 ilaa 13 milyan
tan oo baca ah ayaa saameyn ku yeesha xeebaha caalamka oo dhan, qashinka waa uu
baahayaa daqiiqad waliba , cabsidana waxay deris la noqotay dadka. 30-ka sanno
soo aadan kalluunka ku nool xeebaha dunida waxa ka sara mari doona bacaha.
Afroz Shah waa qareen da’yar kana soo jeeda
dalka Hnidiya gaar ahaan Mumbai, waa tusaalaha cad ee ku dhiiraday in uu
nadiifiyo xeebta ugu weyn caalamka.
Bishii Oktoobar 2015, Shah iyo deriskiisa Harbansh
Mathur oo 84 jir ah kaasi oo aan hadda ifka ku nooleyn waxa ay isla meel
dhigeen sidii goob aan ishu qaban karin looga dhigi ahaa mid il-qabsi leh.
Safarka ku dhisan xeeb qurxinta waa uu
billowday, waxaa loo asteeyay maalin
Sabti ah oo dadka reer Hindiya ugu beegan isbuuc dhammaadka, guushaan
taariikhiga waxa ka qeyb ahaa shaqsiyaad kala geddisan sida ardada iskuullada, xiddigaha Bollywoodka iyo
siyaasiyiinta taasi xeebta Versova ka dhigtay meel u wacan daawashada.
Isxilqaamiyaashu waxa ay aruuriyeen in ka
badan 4,000 tan oo qashin ah kuwaasi oo ku ceegaagsanaa xeeb dhan 2.5
kilometre.
Aragtidiisa la mahdiyay iyo hab shaqeyntiisa
wacan Shah waxa ay ka dhigtay in Qaramada Midoobay u caleema saarto “Horyaalka Dhulka”.
“Waxan ahay ruux jecel xeebaha tani waxay
aheyd wax nagu waajib ah si aan isxilqaan xeebteenna qashinka ugu nadiifinno.” Ayuu
u sheegay UN-ka. Waxa aan filayaa in tani billow u noqon doonto bulshada ku
nool Hindiya iyo dunida.”
“Halkaan waa xeebta Versova, kaddib 85 isbuuc
oo nadiifin ah. Versova hadda waa nadiif. Waxaan sameynay wax yar, waxaan u
baahannahay sii joogteynta habkaan. Ayuu soo dhigay digalkiisa twitterka.
Dadka degaanka Versova waxa uu Afroz Shah u
noqday shaqsi ay ku faanaan kaasi oo goob qashinka dhex ceegaago ka dhigay meel
qurxoon oo loo dalxiis imaan karo.
No comments