3 jirkii ugu horreeyay oo xubin ka noqda naadiga dadka ugu caqliga badan dunida
Wiil seddex sanno jir ah ayaa noqday
barbaarkii ugu yaraa abid ee xubin ka noqda Mensa UK oo ah halka ugu weyn caalamka
ee shaqsiyaadka aadka u caqliga badan.
Muhammad Haryz Nadzim ayaa lagu casuumay si
uu xubin ugu noqdo kaddib markii uu dhibco sarre oo 142 ka keenay tijaabo ay
sameeyeen Stanford-Binet taas oo ka dhigeysa in uu aad u caqli badan yahay waxaana
lagu qiimeeyay heerka caqliga 99.7%, inta badan qofka caadiga ah IQ-giisu waxa
uu gaaraa 90 ilaa 110.
Hooyada Haryz oo lagu magacaabo Nur Anira
Asyikin Hashim oo la hadashay Metro UK
ayaa sheegtay in ay ogeyd in wiilkeeda uu gaar noqon doono kaddib hadal uu yiri
markii uu todobo bilood jir ahaa.
Haryz waalidiintiisa, Anira and Mohd oo an
injineero asal ahaan kasoo jeeda dalka Malaysia, ayaa hadda ku nool Durham ee
dhacda Waqoy-Bari dalka Ingiriiska.
“Ma aanan heysan khibrad badan, waxaan
aaminsaneyn in sidaas ay carruutu yihiin. Keliya waxay aheyd xilligisii
xannnada, marka aan isaga la hadalnay waxaa inoo caddaatay in ilmaha kale uu ka
caqli badan yahay,”
Waxay intaasi raacisay: “In uu awood u leeyahay
akhrinta wax badan oo ah buugaagta sheekooyinka uu isaga xiiseeyo.”
No comments