Safarka guusha: Bilyaneerka ugu yar caalamka!
26-jirka u dhashay dalka India oo ah
hal-abuure dhallinyar ayaa hadda ah bilyaneerka ugu yar caalamka kaasi oo meel
hoose kasoo bilaabay hantidiisa, waxa uu ka dhashay qoys noloshooda tahay
dabaqad hoose.
Ritesh Agarwal markii uu jirey 13 sanno ayuu
billabay iibinta Simkaarada si uu noloshiisa ugu maareeyo isaga oo ku dhex
wareegi jirey gudaha dalka Hindiya.
Markii uu 18 jirka ahaa, Ritesh waxa uu
furtay Oravel Stays oo markii danbe bishii May 2013 loo beddelay magaca OYO
Hotels oo hadda kamid ah hoteelada ugu casrisan caalamka.
Bishii September 2018, dhaqaalaha OYO ayaa
gaaray $1 billion. Bishii July 2019, Agarwal ayaa iibiyay qeyb kamid ah
share-kiisa isaga ka helay qiimo dhan $2 billion taasi oo shirkadda ka dhigtay
mid saameyn dhaqaale ku talaabsata.
Hadda waxaa lagu qiimeeyaa $10 billion, Ritesh
ayaa shirkaddiisa OYO waxa ay ku fiday in ka badan 800 oo magaalo iyo in ka badan 80 dal, waxa uu leeyahay 43,000 oo
hoteello isaga oo 350,000 qofood ka
caawiyay in ay shaqo ka helaan.
26-jirkaan ayaa loo aqoonsaday ganacsadaha
ugu yar caalamka oo si shaqsi ah u sameeyay dhaqaale kaasi oo hadda hantidiisa
lagu sheegay $1 billion sannadkii 2019, sida ay xustay IIFL Wealth Hurun India
Rich.
“Ka billow wax yar, joogteey kaddib waxa ay
noqonayaan wax weyn.” Ayuu yiri Ritesh
Agarwal xirfaddiisa waxbarasho ma gaarsiinsna
heer jaamacad isaga oo yaraantiisa aan helin fursad dhaqaale oo uu wax ku barto
balse halkii uu fadhiid wax baran noqon lahaa ayuu nafsaddiisa ku qanciyay in
uu shaqeeyo taasi oo maanta kamid dhigtay dadka bilyaneerada.
No comments