Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

5 sanno jir aragga la’ oo ku xafiday dhammaan quraanka dhageysiga raadiyaha.



Hussein Mohammad Tahir, waa shan sanno jir aragga naafa ka ah kaasi oo xafiday dhammaan kitaabka quraanka waxaana ka caawiyay in taasi ay suura gal noqoto dhageysiga raadiyaha.

Waxa uu arag la’aan ahaa tan iyo markii uu dhashay, waalidiintiisa waxa ay deggan yihiin dalka Sacuudiga oo uu kula nool yahay gaar ahaan magaalada Jedda.

Hussein ma ahayn qof awood  u leh daawashada Tv-ga balse tan iyo markii uu aabbihii keenay guriga Radio waxaa u billowday waddadii xifdinta qowlka Eebbe.

Muhammad Tahir oo ah aabbaha dhalay Hussein ayaa warbaahinta u sheegay in sababta uu Raadiyaha u keenaya ay aheyd in wiilkiisa uu keliya dhageysto akhrinta aayadaha, balse wiilkiisa markii uu jirey seddex sanno uu arkay in uu quraanka xafiday.


Tani waa mid kamid ah mucjisooyinka uu Rabbi ummadiisa ugu deeqo, Hussein waxa uu helay fursaddaasi ah in xafido dhammaan aayadaha quraanka.

No comments