La kulan- Baalashlihii isku beddelay bare luuqadda English-ka
Nolosha waa casharro iyo tijaabooyin, waxay ku bartaa oo ay marba kula socodsiisaa wejiyo aadan filasho u laheyn, balse ahmiyadda ayaa ah la jaan-qaadista iyo kasamata bixista casharkaasi aadan sii qorshaysan.
Waxaa jira dhibaatooyin badan oo ugu danbeyn dhabar adeeg loo muujiyay sidii mar uun looga gudbi lahaa culeyskooda, halka qaar weli halgan loogu jiro tabtii looga bixi lahaa dabinkooda, ka guuleysiga waayaha adag ee nololeed dedaal ka sokow waxaan sinna ugu marneyn tala saarashada Alle.
Cabdi Majiid Saalax Siidoow waxa uu ahaa baalashle ama Caseeye sidoo kale waxaa u dheereyd kirishbooynimo, iyo dhismaha oo uu quud ugu raadin jiray waalidkiisa waxase ka marneyn maareynta noloshiisa, intaasi oo wax qabad nafsi ah kama reebin in uu wax barto oo uu horumar ka gaaro.
Baalashlaha sida Biritishka ugu hadlaya English-ka, marna ma rumeysan kartid in uu leeyahay xirfad kamid ah kuwa maanta la barto ee weliba kuu fududeynaya in aad si dhow ula jaan qaaddo dunida horumartay.
Cabdi Majiid hadda waa mid kamid ah macallimiinta akadeemiyadda Aflah oo uu maadada English-ka ka dhigo.
Maxamed Jeelle Aadan oo ah maamulaha akadeemiyadda oo la hadlay Raadsan Media ayaa sheegay in sababta ka danbeysay shaqaaleysiintiisa ay aheyd kaddib markii uu muujiyay dadaal sarre oo aradada dhexdooda ah isla markaanna uu noqday qofkii ugu yaraa ee la shaqaleysiiyo taariikhda iskuulka.
Hab sharxidda ammaanan iyo wax usoo jeedinta ardayda waa mid isaga dhiiri gelisa taasi oo ka dhigtay in uu saameyn ku yeesho ardada uu wax barayo iyo saaxibbada uu la shaqeeyo, si lamid ah Cabdi Maajid waxa uu marayaa fasalka 2aad ee dugsiga sarre.
“Ma ahan wax sahlan adiga oo shaqooyinka loo arka kuwa yaryar aad ka shaqeyso isla markaanna wax barato, balse waan ka guul gaaray wax waliba oo caqabad aan soo maray,” ayuu Maajid u sheegay Raadsan Media.
Barbaarkan waxa uu mustaqbalka rajaynayaa u kaalmeynta bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa la nool noloshii uu isaga goor dhaweyd uu Rabbi ka saaray.
No comments