Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Japan oo ciyaartoyda Muslimiinta u diyaarisay Masjid ka sameysan gaari

Ciyaaraha Olombikada had iyo goor waxaa ka qeyb gala tiro badan oo ciyaaryahanno ah kuwaasi oo ka socda diimo iyo dalal kala geddisan.

Tan iyo markii qarniyo kahor uu ka billowday magaalada Athens, ciyaaruhu ayaa ahaa kuwa dadka mideynaya.

Japan ayaa hadda iski diyaarineysa dhacdada ugu weyn ciyaaraha adduunka oo dhan, waxay hadda diyaariyeen masjid ka sameysay gaari oo lagu diyaariyay magaalada Tokyo, halkaasi oo ay xaadiri doonaan kummanaan ciyaartoy muslimiin ah iyo taageerayaashooda, inta lagu guda jiro 2020 Tokyo Olympics and Paralympics, sida ay werisay  Reuters .



Ciyaaraha Olombikada ayaa Tokyo ka furmi doono maalin Jimco  ah oo ay taariikhdu tahay 24 July ee sannadkan halka la soo gabagabeyn doono Axad taariikhdu tahay 9- August 2020.

No comments