Charles King: Madaxweynihii xaday doorashada dalkiisa
Inta badan qaaradda Africa waxaa ka dhaca doorashooyin aan la mahdin marka loo eego qaaradaha kale ee caalamka iyada oo dadkeedu yihiin kuwa saaxib la ah wax-is-daba-marinta ama musuqa.
Mid kamid ah doorashooyinkii ugu musuqa badnaa ayaa lagu sheegaa in ay ka dhacday dalka Liberia iyada oo dadka codeeyay iyo natiijada codeynta kasoo baxday ay noqotay wax aan is laheyn.
Madaxweyinhii hore ee waddanka Liberia, Charles King ayaa loo diiwaan geliyay in uu sameeyay doorashadii ugu xatooyada badneyd caalamka oo dhan kaddib markii lagu xariiqay buugga keydiya dhacdooyinka dunida ee Guinness World Book of Records.
Intii lagu guda jirey doorashadii guud ee dalka Liberia ee la qabtay sannadkii 1927-kii, King ayaa ka adkaaday Thomas Faulkner oo ahaa mucaaradkiisa ugu weyn xilligaasi ee kursiga madaxtinnimo isaga oo helay codad dhan 243,000, halka Thomas uu helay 9000 oo cod.
Layaabka iyo sababta keentay in lagu dhigo buugga dhacdooyinka dunida ayaa aheyd in xilligaasi dadka isu diiwaan geliyay codeynta ay ahaayeen keliya 15,000 dalka oo dhan halka isaga uu sheegay in 243,000 oo codod ah uu helay.
Tani waxaa lagu sheegaa in ay aheyd doorashadii ugy musuq maasuqa badneyd caalamka oo dhan taasi oo dhacday sannadkii 1927-kii.
No comments