Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

La kulan-Haweeneydii ugu horreysay Koofurta Asia ee booqatay caalamka oo dhan



Melissa Roy waxa ay kamid noqotay haweenka sameeyay taariikhda kuwaasi oo booqday dalalka ku yaalla caalamka. Iyada oo noqotay haweeneydii ugu horreysay ee koofurta Asia oo booqasho ku tagta dhammaan 193 dal ee caalamka 26, December 2019.

Horey waxa ay  u booqatay 100 dal oo ah dhammaan todobada qaarad ee dunida kahor inta aysan gaarin da’da 30-ka sanno, afar sanno kaddib, hadda waxa ay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee kasoo jeeda koofurta qaaradda Asia ee booqata dal waliba oo ka tirsan caalamka, iyada oo kusoo gabagabeysay waddanka Bangladesh maalmihii ciidda Christmas-ka.

Waa Melissa oo gacanta ku heysa sawir ka tarjumaya dhammaan dalalka ay UN-ka aqoonsan tahay.
Dooqeedu waxa uu ahaa in ay soo shaac bixiso goobaha ku habboon in la booqdo iyada dadka gudaha ku dhiiri gelineysa in ay horumariyaan dalkooda.

Waxa ay rajeeneysaa in ashqaasta kale ku dhiiri geliso in ay arkaan dunida isla markaanna ay micno badan ka sameeyaan.

haweeneydan ayaa sheegtay in aysan qorsheyneynin in ay codsato hay’adda diwaan gelisa dhacdooyinka dunida ee Guinness World Record keliya ay nafsaddeeda u sameysay mar ay warbaahinta la hadashay.

No comments