Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Haweeneydii ugu horreysay madow ah oo heshay PhD xagga nuclear engineering-ka.




Mareena Robinson Snowden ayaa taariikh sameysay kaddib markii ay noqotay haweeneydii ugu horreysay oo hesha darajada PhD-da ee cilmiga nuclear engineering. kaddib markii ay ka qalin-jebisay machadka tiknooljiyadda ee Massachusetts.

Snowden ayaa sheegtay in aysan xiiseyn jirin maadada engineering-ka carruurnimadeedii, waxayna intaasi raacisay in xisaabta iyo sayniska ay ku wareertay maadaama ay ka baqaysay maadooyinkan.

Sida laga soo weriyay Snowden, cabsida maadooyinkan Mathematics and Physics waxaa jecleysiiyay macallimiinteeda oo iyadu aad u daneyn jirey, sida ay werineyso Face 2 Face Africa.

Raadsan Media ayaa soo aruurisay in 31-jirtan ay sheegtay in macallimiinteedu ay ka gacan geysteen ballaarinta baaxadda iyo xiisaha ka baxsan Ingiriiska iyo Taariikhda oo ahaa  maaddooyinka ay jecleyd.

Mar ay warbaahinta la hadleysay ayay tiri: "Waxaan lahaa fikraddan ah in aan ku fiicnayn xisaabta balse waxay iga caawiyeen in laga takhaluso aragtidaasi. “Waxay ii muujiyeen in maskaxda la kobcin karo, taasi oo aad horumar ku abuuri karto arrintan isla markaanna aad horumarin karto xirfaddan oo ah sida muruq oo kale, isla markaanna lagaaga baahan yahay in aad ku shaqeysaa ”.


No comments