Lakulan –Aas-aasihii xiriirka Somali Mini Football
Cabdi Qaadir Ibraahim Maxamed Caddaay waxa uu ku dhashay degmada Waaberi ee gobalka Banaadir sannadkii 1959-kii, isaga oo ku barbaaray kuna dhammeystay waxbarashada Qur’aanka iyo tan maadiga isla Waaberi.
Dugsiga hoose waxa uu kaga baxay iskuulka Generaal Daa’uud, halka midka dhexena uu ku dhammeystay Kaasa Balbalaara sannadkii 1975/76, isaga oo ugu danbeyn heerka sarre kaga aflaxay iskuulka Aqoon-Darsan sannad dugsiyeedkii 1979/80-kii.
Halkaasi kuma simman waxbarashada oo waxa uu ka baxay jaamacadda Umadda, gaar ahaan kuliyadda beeraha ee Lafoole sannadkii 1988-dii.
Sannadkii 1983-kii ayuu kusoo biiray heerka garsoorka kubadda cagta isaga oo markii ugu horreysay kamid noqday kuwa heerka seddexaad ee diiwaanka ugu jira Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyed, sannadkii 1985-kii waxa loo dalacsiiyay heerka labaad ee waaxda garsoorka, kaddib sanaddii 1988-dii ayuu si toos ah ugu mid noqday garsoorayaasha koowaad ee kubadda cagta Soomaaliya, isaga oo kulankii ugu horreeyay dhexdhxaadiye ka noqday ciyaar dhex martay kooxaha Madbacadda iyo Municipia.
Wixii intaasi ka danbeeyay waxa uu sameeyay horumaro aad loogu riyaaqay taasi oo sabab u noqotay in loo aqoonsado garsoore ka tirsan hay’adda kubadda cagta adduunka ee FIFA 1990-kii.
Sannadkii 1998-kii, waxa uu ka qeyb galay koobkii adduunka ee lagu qabtay dalka Faransiiska isaga oo ahaa wakiilka bariga iyo bartmaha Afrika ee Soomaaliya, waxa sidoo kale uu ahaa garsoore ka tirsan xiriirka dalka Kenya. Cabdi Qaadir waxa uu kulamo kasoo qabtay tartamada Cecafa iyo is reeb reebka koobka adduunka ee FIFA.
Caddaay oo ahaa shaqsi ku wanaagsan la macaamilidda dadka kale ee dalka u dhalan ayay u suura gashay in uu xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ka saacido in loo helo taaba-gelin tartamada ay qabanayaan xiriirka isaga oo kusoo xiray warshadda sigaarka iyo taraqa ee British American Tobacco (BAT) oo xilligaasi xarun ku lahaa dalka Kenya sanaddii 1996-kii.
Sannadkii 1998-kii ayuu ka tegay dalka Kenya isaga oo gaaray Norway , halkaasi oo aheyd qeyb kamid ah horumarkiisa maanta, markii uu gaaray dalkaasi kama reebin in uu joojiyo ciyaaraha oo waxa uu lasoo baxay karti ka dheeri ah tii uu ku lahaa Soomaaliya iyo Kenya.
Waxa uu tababare u noqday koox heerka labaad oo ah ciyaartoyda ka hooseeya 18-jirrada sannadkii 2014, waxaana kamid ahaa carruurta uu dhalay ee kala ah C/Salaan, C/Rashiid iyo Cabdi Xakiim taasi oo sabatay in wiilka uu dhalay ee Cabdi Salaan uu ka dhigay xiddig sarre isla markaana kamid noqdo ciyaartoyda qaranka Norway iyo kooxda Man City oo ugu danbeyn gacanta ku dhigtay.
Intii uu joogay dalkaasi waxa uu aas-aasay Somali Sports Culture oo kamid ah ururada ugu weyn ee ka jira dalka Norway sannadkii 2000, ururkan ayaa noqday midkii ugu horreeyay ee mashruuc sare ka sameeya aqoon isweedaarsi loogu magac daray isbeddelka dhallinyarada Yurub.
Sanaddii 2008-dii waxa uu u soo guuray dalka Ingiriiska oo ah halka uu hadda degan yahay, tani waxay ka danbeysay kaddib markii wiilkiisa Cabdi Salaan Caddaay uu dalab kaga yimid kooxda Man City oo kamid ah kooxaha ugu faca weyn qaaradda Yurub, waxaana uu noqday laacibkii ugu horreeyay Soomaaliyeed ee ka ciyaara horyaalka Premeir League, waxaana laga soo qaatay kooxda Vialle Xamar ee uu tababaraha u ahaa aabbihii.
Sannadkii 2010-kii, C/qaadir ayaa hantay shahaadada heerka labaaad ee tababarnimo oo ay bixiyaan xiriirka kubadda cagta Ingiriiska ee FA-ga.
Isla sannadkaasi waxa uu aas-aasay Football Academy Mountainside Sports Club oo ka dhisan xaafadda ay Soomalida ku badan tahay ee magaalada Manchester.
Sanaddii 2015-kii waxa uu aas-aasay xiriirka Kubadda cag-yaraha Soomaaliya ee Somali Mini Football, waxaana loo doortay guddoomiye isla xilligaasi kaddib doorasho ka dhacday magaalada Muqdishu. 2016-kii, Caddaay ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka qaaradda Afrika ee Mini Football.
Qore: Mohamed Hassan
Mohamed
Kala
xiriir: farriin-danabeed; Mohassan484@gmail.com.
No comments