Marka uu Musuqu inaga dhigo kuwa Jaahiliin ah!
Musuq waa lunsasho
hanti dadweyne kana dhici kara goob si gaar ah loo leeyahay ama rug danta
bulshada loogu adeego. Waxaa lagu tusaaleeyaa laaluush, dhagar, wax
is-daba-marin iyo qaraabo-kiil intaba.
Waddamada
qaar, qofka ku dhaqaaqa musuqa waxaa lagu xukumaa dil toogasho. Nguyen Xuan Son
oo ahaa maareeyihii Bankiga Ocean Bank ee dalka Vietnam ayaa dil toogasho ah
lagu xukumay kadib markii uu ku kacay Musuq-maasuq.
Soomaaliya
ayaa kamid ah dalalka lagu tiriyo liiska musuqa sida ay warbixinteeda kusoo
saartay Hay’adda Transparency International oo sanadkiiba mar soo ban-dhigta
qoraallo la xiriira heerka musuqa ee adduunyada. Sanadkii 2016 ayay kaalinta
koowaad wada ciriirsadeen Waqooyiga Kuuriya.
Baaxadda
Musuqmaasuqa Soomaaliya ayaa maraya meeshii ugu sarreysay taasi oo dadka
khuburada sabab uga dhigaan isla xisaabtan la’aan ka jirta nidaamka dowliga iyo
Guddi adag oo la-dagaalanka Musuqa oo aan jirin. Dadka falanqeeya ayaa sheega
in haddii la helo labadan uu dalku noqonayo mid u diyaarsan in uu tiigsado
horumar barwaaqo leh.
Goobaha ugu
badan oo musuqu ka jiro waxaa kamid ah canshuurta dakhli ee madaarada,
dekedaha, deeqaha caalamku Soomaaliya u qoondeeyo sida; dhqaalaha iyo
wax-barashada, xafiisyada dowliga iyo kuwa aan ahayn intaba.
Bilowgii
xornimada waddanka 1960-kii, waxa uu ku soo barbaaray sinnaan la’aan iyo eex
taasi oo hadda miraheeda laga guranayo guud ahaan dalka. Markaas waxaa lagu
dhibanaa qaabka loo qeybsado awoodda oo xilalka ugu sarreeya loo calamadeeyay
beelo gaar ah.
Sagaalkii sano ee ugu
horreeyay xornimada wadanka ee nidaamkii daakhiliga ahaa ayaa la tilmaama
kuwii ugu musuqa badnaa magac ahaanna loogu yeeray Hooyadii Musuqa.
Nidaamkii
Milatariga ayaa af-genbi aan dhiig ku daadan kula wareegay dalka mana ka
marrneyn eedeymaha mararka qaar loo diri jiray oo ku saabsanaa
cadaalad-darro iyo ku-tagri-fal awoodeed.
Kadib
dhicista dowladdii Kacaanka 1991-kii, waxay jiilkii ku dhashay nidaamka dowlad
la’aanta ay la jaan-qaadeen cadaalad-darro saameynteedu gaartay in la isku
qab-qabsado hantida maguurtada ah sida; guryaha iyo beeraha.
Culimada,
wax-garadka iyo murti-maalka ayaa si isugu mid ah bulshada uga wacyi geliya ka
fogaanshaha ku dhaqanka Musuqa ama wax-is-daba marinta. Hal abuurradii ka
gabyay waxaa kamid ah:
Abwaan Sayid
Maxamad Cabdille Xasan oo yiri;
Musuqmaasuq Soomali waa
meheradeediiye,
Hadba midab horley kuula iman maalin iyo leyle.
Sidoo kale,
abwaan Maxamuud Xirsi isaguna waxa uu yiri;
Musuqmaasuq baa daashadiyo,
damaca laaluushe;
Danayste iyo darleef baa fadhiya, duunyo xaabsada’e;
Sida diirataday ugu mameen, maal dad leeyahaye.
Wax-yaabaha
dadku is weydiinayaan waxaa kamid ah: marka dal dadkiisu dhalinyaro yihiin 75%
– haddana lagu baraarujiyo in ay ku dhaqaaqaan cadaalad-darro – siduu noqon
doonaa aayaha nololeed ee dalka sanadaha soo socda?!
Haddii
madaxdeennu ay si dhaba u aqoonsadaan dhibaatada Musuqa waxaa laga
yaabaa in ay soo baxaan jiil u heelan horumar wax-barasho oo dalka ku hogaamiya
heer sare oo uu noqdo mid ka mid ah dalalka caalamka ugu wanaagsan, waase
haddii si sax ah loogu hoggaamiyo mid cadaalad ah.
Qore:
Maxamed Xasan Maxamed.
Kala
xiriir: farriin-danabeed; mohassan484@gmail.com.
No comments