Dalka hodanka ah dadkiisuna dawarsadaan!
Soomaaliya waa dal dhaca Geeska Afrika kaasi oo
xudduud ahaan la wadaaga dalalka
Itoobiya, Jabuuti, Kiinya iyo Badweynta Hindiya. Soomaaliya waa dalka
2aad ee ugu xeebta dheer qaaradda Afrika, dhulka ayaa u qeybsama deegaanno
sare, dhuldaaqsimeed iyo buuroley, Cimilo ahaan waddankeennu waa mid diiran
sannadki oo idil, inkastoo ay soo dhacaan dabeylaha monsoonku iyo roob aan
joogto ahayn.
Dadkeennu waa muslimiin100%, waa bulsho ku
ad-adag islaanimada, alle SW waxa uu ku manneystay kheyraad fara badan, waa mid
ka mid ah dalalka uu alle ugu nimceeyay in ay heystaan Islaanimo, kheyraad
isugu jira Bad iyo Berri. Soomaaliya waxa ay qani ku tahay beero, xoollo,
kalluun iyo macaadin kala duwan, sidaasi oo ay tahay haddana innagu ma nihin
kuwa si guud ugu faaideysta oo waxaan inta badan gargaar weydiisanaa waddamo
innaga kheyraad hooseeya, dalkeenna ayaa dunida ugu can baxay kuwa ay ka jiraan
abaaro, baahi, caafimaad darro iyo faqri.
Waxa aan leenahay xoollo fara badan oo isugu
jira Geel, Arri iyo Lo’a kuwaasi oo aan qeyba kala duwan u isticmaali karno,
tusaale in aan mar xoolihi oo nool dhoofin u sameyn karno iyo caanaha inta aan
warshadeyn ku sameyno dibadda u dhaafino, Soomaaliya waxay leedahay geela ugu
badan dunida oo tiradiisa lagu qiyaasay 7.1 milyan oo neef. Hay’adda FAO ayaa
sheegtey in sannadkii 2014 dalka Soomaaliya ay
dibadda u dhoofisey 5 milyan oo neef, waana tiradii ugu badneyd oo ay
Soomaaliya dhoofiso ka dib burburkii dalka ka dhacay, waxaana la sheegay in
lacagta kasoo xarootay ay gaarsiisaneyd $360 million.
Dalka waxa uu leeyahay xeebta 2aad ee ugu dheer
qaaradda Africa taasi oo ay ku jiraan khayraad kala duwan oo xittaa xeebaha
wadamada kale aanan laga heli karin, sida ay rumeysan yihiin khubarada ku
taqasusay cilmiga badaha, kheyraadka ku jira baddeenna haddii si wanaagsan
loogu faa’ideysto waxa uu kaafin karaa guud ahaan nolosha dadka Soomaaliyeed.
Wax soo saarka kalluunka Soomaaliya intii u
dhexeysay sannadihii 1980 illaa 1985 wuxuu ahaa kuwii ugu badnaa, 4 kun illaa 8
kun oo tan ayaa sanadkii lagu qiyaasay inuu ahaa wax so saarkiisu, waxaana
waqtigaasi xoogga la saaray dhinaca kalluumaysiga dowladdii Kacaanka oo
xilligaasi jirtay ayaa u samaysay mashaariic horumarineed, waxayse arrimahaasi
meesha ka baxeen xilligii burburka. Sida ay FAO warbixinteedii soo baxday
sanadkii 2011 ku muujinayso 55 milyan oo Dollar ayaa hadda ka soo baxda wax soo
saarka kalluumaysiga Soomaaliya.
Wax soo saarka kalluun ee dalka sannadkii waxaa lagu qiyaasay inuu yahay 835
kun oo tan. Sahan la isku halayn karo xogta ku jirta ayaa sheegaysa in 17 nooc
oo kalluun kala duwan ah, 8 ka mid ah qaybahaas waa afdhuubyada, kalluunka
rida, libaxyada, cansaanyada iyo qaybo kale oo ah kuwa la soo jilaabto 40%
kalluunka la soo saaro, mana ahan wax joogto ah.
Bal qiyaas shaqsi inta u jilaabasho tago badda
ka dibna Suuq balaaran u sameysta muxuu maalintii faa’ido ahaan u heli karaa?
Aragti ahaan haddii ganacasatada Soomaaliyeed
ay ku fekiraan in ay sameeyaan warshado yaryar oo soo saara kalluunka
waxaa meesha ka baxaya in laga kaaftoomo kuwa aan dibadda kasoo dhoofsano
halkaasina waxaa ka dhalan karta in innagu aan wadamada kale u dhoofino
kalluunka, waxaa jira caqabado badan oo ay la kulmaan kalluumeysatada
Soomaaliyeed kuwaasi oo ay kasoo wajahaan dooni iyo maraaakiib si sharci darro
ah ugu jilaabeysta xeebaha dalka.
Beeraha ayaa ah wax soo saarka baaxadda leh ee
waddankeenna uu leedahay, beertu waa habka abuurida, xanaaneynta iyo soo
saarida dhir laga sameeyo daawo, cunto, dhar, hoy iyo agab wax tar leh,
Soomaaliya waxa ay leedahay dhul aad u baaxad weyn oo ku wanaagsan abuurista
miraha kala duwan, taasi oo dhaqaale badan kaga imaan karo bulshada
soomaaliyeed haddii il dhab ah lagu eego.
Laf-dhabarta dhaqaalaha soomaaliya waa
dhaqashada xoolaha nool iyo beerashada dalagyada maxalliga ah,
dhaqaalayahannadu waxay sheegaan in Soomaalidu ay leedahay dhul beerashada ku
wanaagsan oo gaaraya 8-Milyan oo Hiktar balse dalkeenna ayaa dhulkaasi hodonka
ah keliya beerta 1% waana ayaan darro heysata Soomaalida taasi oo qeyb
weyn ka ah hoos u dhaca dhaqaalaha dalka.. Burburka kaddib, qiimaha wax soo
saarka raashinka wuxuu hoos u dhacay 60% laga soo bilaabo 1989, marka la bar
bar dhigo 1980maadkii oo uu ahaa 53% cel celis ahaan.
Dalka sidaasi Hodonka u ah ayay malaayiin
Soomaali ah ka baahanyihiin oo ay gaajo aawgeed uga qaxeen dalkoodi ayna u
gacma hoorsanayaan dowlado shisheeye. Waxaa xaqiiq ah in horumar la taaban karo
laga gaari karo dhanka beeraha haddii bulsho weynta usoo jeestaan oo ay
maalgashina ku sameeyaan noocyada kala duwan ee Kheyraadka dalka.
Waxaa nasiib leh mid ka dhashay dalka
Soomaaliya kaasi oo ku faani kara in uu yahay Muslim uu alle ugu manneystay
Kheyraad fara badan sida Badda 2aad ee ugu dheer Africa, Maacaadin, keymo, dhul
beereed oo wax waliba laga beeri karo iyo guud ahaan waxa uu maanta taajir ku
noqon karo shaqsiga Soomaaliga ah. waxaase ayaan darro ah in dalka hodanka ahi
aad ka dhalatay haddana aad gacmaha u hoorsaneysid dal shisheeye oo aad adigu
dhan waliba kaga wanaagsan tahay.
Ugu danbeyn waxaan dowladda Soomaaliyeed talo
ahaan ugu soo jeedinayaa in wasaaraddaha sida goonida ah ay u taabaneyso
warbixitaan lagula xisaabtamo wax-qabadkooda, si guudna dowladda ay mashaariic
fara badan ay ku bixiso kheyraadka kala geddisan ee uu dalkeennu leeyahay sida
kalluumeysiga,Tacabka, Xoollaha iyo nooc waliba oo uu dalkeennu ku tiigsan karo
dalalka kale ee naga horumaray.
Qore: Mohamed Hassan
Mohamed
Kala
xiriir: farriin-danabeed; Mohassan484@gmail.com.
No comments