Wax ka ogow taariikhda Bile Muxidiin Buraale
Bile
Muxidiin Buraale waxa uu sannadkii 1995-kii ku dhashay degmada Hawl-Wadaag ee
gobalka Banaadir, isla degmadaasi ayuu ku barbaaray kuna dhammeystay
waxbarashada dugsi Qur’aanka, Bile ayaan heerka ugu sarreeya waxbarashada ka
gaaray dugsiga sarre kaddib waxa uu u wareegay ciyaaraha oo uu yaraantiisii
jeclaa.
Bile
Muxidiin oo kamid ah xiddigaha saameynta ugu weyn ku yeeshay kubadda cagta
Soomaaliya kaddib burburkii dalka ayaa kasoo bilaabay ciyaaraha salaxa
Shiirkoole, isaga oo kamid ahaa dhallinyarada ugu firfircoon ee xilligaasi sida
aan caadiga aheyn xirfaddooda usoo bandhigay, kaddib waxaa isaga oo halkaasi ku
ciyaaraya la wareegtay naadiga Elman oo lamid dhigtay xiddigaha Junior-ta ee
kooxda sannadkii 2009-kii.
Wixii
intaasi ka danbeeyay waxaa bilaabmay shumaca aan damiska laheyn ee Bile,
sannadkii 2011-kii oo uu dalka dib ugu soo laabtay laacibka isaga oo ka yimid
magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu ku biiray naadiga Daallo, intii uu kooxda
joogay waxa uu sameeyay farsamooyin iyo gooldhalin aad loogu riyaaqay xitaa
sabatay in gu’aasi loo doorto xulka qaranka Soomaaliya, isla sannadkaasi Bile
ayaa kooxda Daallo kula guuleystay koob munaasabad ah isaga oo sidoo kale
naadigiisa kaa saaciday kaalinta labaad ee horyaalka oo wakhtigaasi hanteen
Elman.
Sannadkii
2012-kii, Bile ayaa kamid noqday naadiga Saxafi, isla sannadkaasi kooxda Saxafi
ayaa safar dibadda ah u aaday iyaga ka qeyb galay tartanka Jaamacadda Carabta
oo lagu qabtay dalka Komorooss. Balse nasiib xumo wixii intaasi xigay waxa ay
dhaceen horyaalka heerka labaad ee dalka.
Sanaddii
2013, kooxda Saxafi ayaa dib ugu soo laabatay horyaalka heerka koowad ee dalka
ka gadaal markii ay soo hanteen horyaalka Seria B, isla wakhtigaasi laacibkaan
ayaa si shaqsi ah ugu guuleystay gooldhalinta.
Wixii
intaasi xigay sooyaalkiisa kubadda cagta waxa uu noqday mid sii fida, waxa uu u
ciyaaray dhowr koox sida Dekedda, Muqdisho City Club, Heegan, Gaadiidka iyo
Madbacadda.
Mid
kamid ah kooxahan ayuu kula guuleystay tartanka Jeneraal Daa’uud waana naadiga
Muqdisho City Club ama Minishiibiya isaga oo bar dhammadka ka adkaaday kooxda
Horseed.
Sannadkii
2011-kii, Bile Muxidiin ayaa kamid noqday xulka qaranka Soomaaliya, wuxuuna
kulankiisii ugu horreeyay magaalada Nairobi kula ciyaaray dalka Rwanda kulan ka
tirsanaa tartanka Cecafa, Bile ayaa lagu tilmaamaa mid kamid ah weeraryahanadii
ugu wanaagsanaa ee xirta maaliyadda qaranka kaddib burburkii, isaga oo tiro
goolal ah kasoo dhaliyey dalalka uu wajahay intii huwanaa heybadda qaranka.
Laacibkaan
intii uu kamid ahaa xiddigaha qaranka waxa uu kasoo ciyaaray dalal dhowr ah
sida Jabuuti, Kenya, Itoobiya, Rwanda, Niger iyo Sudan, Bile ayaa leh xusuus
ayna iloobi doonin dadka xiiseeya kubadda cagta Soomaaliya.
WQ: Maxamed Xasan Maxamed Owen
Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments