Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Sooyaal nololeedka halyeyga Heegan Jabriil Xasan Fariid




Jabriil Xasan Fariid waxa uu ku dhashay kuna barbaaray degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir, sannadkii 1992-kii, isla degmada ayuu kaga aflaxay malcamadda Qur’aanka, waxbarashada maadiga ayuu sidoo kale ku qaatay Muqdisho isaga oo dugsiga hoose kaga baxay iskuulka Maxamuud Xarbi halka midka dhexe uu ku dhameeyay Maxamuud Cartan halkaasi ayuuna ku simmay waxbarashada kaddib waxa uu u weecday dhanka ciyaaraha oo uu magac iyo maamuus intaba ka saameeyay.

Jabriil waxa uu yaraantiisii kamid ahaa dhallinyarada ugu sarreeya dhanka xirfadda kubadda cagta ee degmadiisa gaar ahaan xaafadda Xarriyaale oo aad loogu yaqiinay.

Sannadkii 2008-dii ayuu kamid noqday ciyaartoyda kooxda Banaadir Telecom oo hadda loo garan ogyahay Mogadishu City Club, waxa uu kala qeyb galay safar dibadda ah oo ka dhacay dalka Tansaaniya kulan ka tirsanaa tartanka Cecafa qeybtiisa kooxaha, inkastoo uusan ciyaarahaasi garoonka u gelin kooxdiisa.
Waa xilli uu ku guuleystay xiddiga garoonka.

Gugii 2010-ka waxa uu ku biiray naadiga uu sida weyn ugu caan baxay ee Heegan, inkastoo ku biiristiisii sannadkaasi uusan kooxda kala qeyb gelin wax horyaal ah maadaama goortaasi uu horyaalka xirnaa haddana waxa uu la hantay koob munaasabad ah, iyaga oo kooxdiisa kula tababaranayey garoonka Iskuul Baluusiiya oo ah saldhigga kooxda Heegan.

Kaddib markii dib loo amba qaaday horyaalka dalka, Jabriil ayaa naadigiisa qeyb kala ahaa horyaalkaasi isaga oo isla xilli ciyaareedkaasi ku guuleystay gooldhalinta tartanka waxayna min 11 gool ku wadaageen isaga iyo Sacad Saalax Xuseen oo xilligaasi kamid ahaa ciyaartoyda Elman.

Isla sannadkaasi 2011-kii waxaa xusid mudan in uu kasoo ciyaaray Jabuuti oo uu u dheelay Fujara isaga oo kusoo guuleystay gooldhalinta horyaalkaasi waxayna 12 gool ku qeybsadeen laacib Jabuutiyaan ah, taasi oo ka dhigan in hal fasal ciyaareed uu hantay laba gooldhalin, sababtuna waxay aheyd intii uu xirnaa horyaalka Jabuuti ayuu u yimid kooxdiisa Heegan oo uu lasii ciyaaray qeybaha ugu harsan horyaalka, maadaama horyaalada Soomaaliya iyo Jabuuti ayna isu mid aheyn.

Sannadkii 2012-kii kooxda Saxafi ayuu kala qeyb galay safar ciyaareed ay ugu amba baxeen jasiiradda Komoroos kulan ka tirsanaa tartanka Jaamacadda Carabta qeybta kooxaha kaasi oo loo dhigo kooxaha horyaaladooda kasoo gala kaalinta labaad, ciyaartaasi xiddigan ayaa saameyn weyn ka sameeyay kaddib markii uu dhaliyey goolka qura oo ay Saxafi ka dhalisay tartanka, iyaga oo 1-0 kaga badiyey koox ka socota dalka Jabuuti, sidoo kale naadiga Elman ayuu safar bannaanka ah kala qeyb galay laacibkan.

Xilli ciyaareedkii 2015-16, naadiga Heegan  ayuu kula guuleystay horyaalka kubadda cagta Soomaaliya waliba isaga oo kabtan ah, waana horyaalka keliya oo uu hantay, Jabra hadda waa xiddiga ugu goolasha badan Heegan oo dhidibada loo taagay sannadkii 2009-kii, isaga oo dhaliyey ku dhawaad 120 gool.

2009-kii ayuu markii ugu horreysay u ciyaaray qaranka Soomaaliya gaar ahaan ciyaartoyda da’dooda ay ka hooseyso 17 jirrada waxaana uu kulankiisii ugu horreeyay la ciyaaray dalka Jabuuti kulan ka tirsanaa koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika, xilligaasina qaranka waxaa hoggaamiye u ahaa macallin Geele.

Sanaddii 2010-kii ayuu kamid noqday ciyaartooyda waa weyn wixii intaasi ka danbeeyay waxaa billowday iftiinkii xulka qaranka, isaga oo tartamo badan kala qeyb galay xulka sida Cecafa, Chan, Caf iyo isreeb reebka koobka adduunka.

2013-kii, Jabriil Xasan Fariid ayaa loo doortay xiddiga garoonka ciyaar ay la dheelen dalka Tansaaniya oo ay Kenya kula ciyaareen inkastoo 1-0 loogu adkaaday qaranka Soomaaliya.

Sannadkii 2016-kii, Jabra ayaa gabi ahaanba iska siibay kabaha uu ku matalayey xulka, isaga oo gaashaanka u daruuray dhowr codsi oo kaga yimid xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo ku aadan dib ugu soo laabashada qaranka.

2018-kii, waxa uu tababare u noqday degmada Hawl-Wadaag isaga oo kala qeyb galay tartanka degmooyinka gobalka Banaadir oo ay aakhirkii ku guuleysteen Waaberi.

Dhammaadkii 2018 waxaa loo magcaabay guddoomiyaha ciyaaraha degmada Hawl-Wadaag oo uu hadda yahay. Jabriil Xasan Fariid ayaa ah xiddig si weyn loogu qaddariyo taariikhda ciyaaraha dalka

No comments