Taariikhda Ciyaaryahan Ismaaciil Sinigaal
Ismaaciil
Malaaq Abukaar oo ku caan baxay magaca Sinigaal waxa uu ku dhashay degmada
Boondheere ee gobalka Banaadir sannadkii 1968-kii isaga oo ku barbaaray degmada
Wadajir, waa mid kamid ah ciyaatoydii ugu cajiibsaneyd ee ka ciyaarta xagga
danbe ee daafaca waxa uu ka tirsanaa kooxda Batroolka iyo xulka qaranka
Soomaaliya.
Sinigaal
waxa uu ahaa laacib aad ugu wanaagsan ciyaarista kubadda cagta waxa uu kubadda
kusoo biirey isaga oo 14 jir waxa uu kamid ahaa ciyaartoyda ugu wanaagsanaa ee
xaafadaha degmada wadajir taasi waxay keentay in isla markiiba uu kamid noqdo
naadiga wakaaladda Batroolka Umadda ee Fc Batroolka. Intii uu joogay kooxda
Batroolka waxa uu kula guuleystay koobab dhowr ah sida kuwa munaasabadaha iyo
koobka General daa’uud oo uu qaaday sannadkii 1986-kii.
Sinigaal
ayaa xulka qaranka kusoo biirey dhammaadkii todobaatamaadkii waxa uu kamid
noqday ciyaartoyda juunyarta qaranka kaddibna waxaa uu suura galay in uu kamid
noqdo laacibiinta waaweyn ee xiddigaha Badweynta, ciyaartiisii ugu horreysay waxa
uu la ciyaaray dalka Kenya kulan ciyaareed ku idlaaday barbaro 1-1 ah.
Guushii
ugu weyneyd ee uu la gaaray xulka waxaa kamid ah kulan ay ku adkaadeen 5-2
ciyaar ay ka hortageen qaranka Murataaniya. Safarada uu banaanku kusoo ciyaaray
waxaa kamid ah dalaka Kenya, Ugandha, Zanzibar, Tanzania, Rwandha, Burundi,
Masar, Yaman iyo dalal kale.
Guulaha
gaarka ah uu la gaaray xulka qaranka Soomaaliya waxaa kamid ah mar ay galeen
kaalinta labaad xilligaasi oo ay kama danbeysta la ciyaareen qaranka Ciraaq
tartankaasi oo lagu qabtay magaalada Muqdisho. Ismaaciil Sinigaal ayaa kamid
noqday laba ciyaaryahan oo Soomaali ah oo nasiib u yeeshay in loo xulo
ciyaaryahanno matalaya Carabta Africa iyo Carabta Asia waxaa ku wehliyey
Muriidi Abanuur Abati sannadkii 1986-kii, inkastoo ugu danbeyn ay tartanka la
dabaal degeen ciyaartoydii mataleysay magaca Carabta Asia.
Ismaaciil
Sinigaal ayaa ciyaaraha kaga fariistay naadiga Elman dhammadkii 1990-kii.
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments