Xulka Soomaaliya oo markii labaad xiriir ka qeyb gelaya koobka adduunka
Xulka
qaranka Soomaaliya ayaa ciyaari doona cayaaraha adduunka bisha oktoober iyaga
oo ku guruub ah qaramada Mexico, Ivory coast, iyo Moldova.
Tartankan
oo ay ka qeyb geli doonaan dalal magac ku leh dunida ayaa ka dhici doona dalka
Australia gaar ahaan magaalada Perth oo ay ku nool yihiin Soomaali badan oo
lagu qiyaasay 3,000 oo ruux.
Xiriirka
Somali mini football ayaa markii labaad ka qayb geli doona tartankan iyaga oo
qeyb ka ahaa sannadkii 2017 ee ka dhacay
dalka Tunisia.
Guddoomiyaha
xiriirka kubbad cag yaraha Soomaaliya Dr C/ Qaadir Maxamed Caddaay oo la hadlay
Radio Himilo ayaa sheegay in sannadkan ay rajeynayaan is bedel mar uu arrimahaasi
ka hadlayey ayuu yiri:
“Waxaan
heysanaa ciyaartoy wanaagsan iyo taagerayaal badan marka loo eego sannadkii
2017, niyad ahaan aad baan u wacannahay sidoo kale waxaan dhiiri gelin ka
helnay ganacsato Soomaaliyeed kuwaasi oo xiriirka fan garreyn ballaaran ku
sameeyay.”
Guddomiye
Caddaay ayaa ugu danbeyn bulshada Soomaaliyeed ka dalbaday in ay taageero u
muujiyaan qarankooda ciyaaraha ka dhici doona Australia.
Ciyaartoyda
Soomaaliyeed ayaa laga soo xuli doona gudaha iyo dibadda iyada oo ugu danbeyn
lagu dhawaaqi doono liiska oo dhammeystiran bisha soo aadan waxaana
hoggaaminaya tababare Cismaan Maye Iskood oo qaranka iyo Horseed horey ugu soo
ciyaaray.
Ciyaarahan
ayaan bilaaban doona taarikhdu marka ay
tahay 1-da Oktoober waxayna dhammaan doonaan 11-ka Oktoober 2019-ka.
WQ: Maxamed Xasan Maxamed Owen
Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments