Dal-jir Dadkiisa ka didaya miyaa Dalkiisa dhowri kara?!
Waqtigii halganka, dadku waxa ay ugu
jeclaayeen ninka ama qofka qoriga sita ee difaacaya xorriyaddii dalka u
baahnaa, Maadaama uu xilligaasi dalka ku jiray in uu madax banaani ka qaato
gumeystiyaal Reer Yurub ah.
Gobollo badan, askarta ayaa laga xun yahay
muuqaalkooda. Umadda Soomaaliyeed
inteeda badan waxa ka muuqata in aanay wax fahan iyo aqoon ama abaal ah intaba u heynin
askarigooda. Dadkeennu waxa ay jecel yihiin
in sameeyaan waxay doonaan, iyaga
oo jecel in aan laga hadlin waxa ay sameynayaan.
Meelo badan weli isfahanka bulshadda iyo
askariga ayaa ka maqan. Askarigu in uu yahay dirane bulshadiisa ah oo
ammaankooda sugaya: cadowna aan ku aheyn dadkiisa isla markaasna ilaalinaya
guud ahaan sharciyada iyo qawaaniinta askarinimada iyo ciidan ay tahay in uu
fahmo. Midka dharka askarta loo xiray
shacabkuna waa in ay gartaan in askarigani yahay midka ay ku jiifaan Eebe ka
sokow. Midka isaga oo aan waxba qaadanin, dhiiggiisa u diyaariyay nolosha iyo
farxadda kuwa kale.
Marar badan waxa aynu aragnaa dadyow askarta
kala hortagaya waxyaabo aan fiicneyn sida Shiid, dagaal, xabado iwm. Askartu
ma ahan cadow ku soo duulay dadka iyo dalka waa daljirtii dalka. Xaaladda
shacabku faraha kuma hayn karo, wixii meel ka dhaca si aanay intaasi u sii
dhaafin ama waxyeello kale ayna dadka u dhexmarin waa in ay askartu soo
gaartaa. Haddiise marka qof idin kala badbaadinaya la idin dhexdhigo aad
tiraahdo askar ayaa naloo dalbaday waa adiga oo jecel in dadku ay dhiiggooda
baneystaan.
Dhanka kale, waxaa la sheegaa in ay maqan
tahay awooddii is dhex-galka shacabka iyo askarta taasi oo marba marka danbeya
daciifineysa in ciidamadu awoodooda ay balaarin sameyso.
Xilli kasta oo ay askarteennu bulshada ka
dhigtaan bar-tilmaamed taasi micnaheedu ma ahan in la helayo xasilin. Meel u baahan amni iyo kala danbeyn in lagu
soo dabaalo, la fal-gelidda iyo isla socoshada oo dhex marta shacabka iyo
ciidamadu waa tan ugu saxan ee lagu heli karo nabad iyo horumar waana habka
kaliya ee lagu gaari karo murtidii aheyd: Nabad baa Naas la nuugo leh.
Qore: Mahamed Hassan Mahamed.
Kala xiriir: farriin-danabeed; Mohassan484@gmail.com
No comments