Dalmar Caddow Maalin: Soomaali aragga la’a oo ku hadla seddex luqadood!
Dalmar waa wiil dhallinyaro ah oo ku jira da’da
labaatameeyada,waxa uu ku dhashay oo uu hadda ku nool yahay magaalada Muqdisho
ee caasimadda dalka,waa qof arragga naafo ka ah oo aan waxba arki karin,waxa uu
arragga beelay isaga oo ay da’diisu tahay seddex jir,waxaana sababay cudurka
Jadeecada.
Dalmar waxa uu ku hadli karaa luuqadda hooyo ee
Soomaaliga,Sawaaxili iyo English. Markii ugu horreysay oo uu dareemay in uu wax
baran karo waxay aheyd sannadkii 2004,wuxuuna waxbarsho u tegay magaalada Marka
ee gobalka Shabeellada Hoose halkaas oo ay wax ku baranayeen arday isaga la mid
ah oo arraga la’ kaddib waxaa u suura geshay in uu fursad u helo aaditaanka
dalka Kenya.
11 bishii November ee sannadkii 2016, Dalmar ayaa dhameystay waxbarshada
dugsiga sare isaga oo kaga baxay dalka Kenya, Kaddib waxa uu ku biiray jaamacad
ku taala Kenya oo uu ka bartay diploma 6 bil ah oo maadada Computer IT-ga,
kaddib markii ay u soo idlaatay muddo waxbarasheedkii diploomada, Dalmar ayaa
ku soo guryo noqday magaaladiisa.
Dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho, Dalmar ayaa
weli ku han weyn in uu halkan ku barto jaamacad,wuxuuna ii sheegay in uu
daneynayo barashada maadada Maamulka Dadweynaha (Public Administration) hase yeeshee
waxa uu dareemayaa in baahidiisa aysan dhameytirmin haba ugu darnaatee tan
dhaqaalaha.
Dalmar waxa uu si wanaagsan ugu hadli karaa
luuqadda English-ka,waxa uu aad u
daneenayay kaddib barashada luuqaddan in uu isku beddeli doono turjumaan hase
yeeshee wali rajadiisii waxbaa ka harsan imaatankeeda.
Waxa uu hadda la shaqeeyaa dhallinyaro
macalimiin ah kuwaas oo mid kamid ah degmooyinka Muqdisho ku leh dugsi lagu
barto luuqadda English-ka, wuxuuna u qaabilsan yahay haggidda xilliyada la
qabanayo wadasheekeysiga, doodaha, hadal soo jeedinta iyo wixii mudan in
wakhtigaas la sameeyo.
Badi dadkeennu ma rumeysna in qof naafo ah uu
wax baran karo iyaga oo si weyn ugu niyad jebiya hammigiisa waxbarasho ama
waxqabad ee uu ku dhaqaaqi lahaa,waxaase
ugu horreeya waalidiinta dhalay oo iyagu ka horjoogsada in qofka noocaas ah uu
horumar gaaro,waxayna inta badan ku yiraahdaan waxaad ku wacan tahay
joogitaanka guriga, taas oo ku fasirmi karta maahmaahdii soomaaliyeed ee
oraneysa ‘Col hortii jabe’, hubanti waa caksigeed marka loo eego habka aan
qarsooneyn oo ay naafada qaarkeed kaga sarreyso inta lixaadka uu eebe u
dhameystiray.
Marka keenna naafada ah oo waxbartay uusan
helin miraha tacabkiisa, hiilkii bulshada uu waayo,waa kee midka mudan ee ku
magansan lahaa? waa weydiin hortaalla madaxda maanta ee u dhaaratay u shaqeynta
bulshadda Soomaaliyeed.
Qore: Mohamed Hassan
Mohamed
Kala
xiriir: farriin-danabeed; Mohassan484@gmail.com.
No comments