Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Wax ka ogow taariikhda ciyaaryahan Muxidiin Jabaan



Muxidiin Xaaji Muunye oo ku caan baxay Jabaan,waxa uu ku dhashay Muqdisho sannadkii 1960-kii. Kahor xirfaddiisa kubadda cagta waxa uu ahaa shaqsi si weyn loogu tixgeliyo mihnaddan. Waxa uu ka ciyaari jiray booska daafaca marka laga soo tago xirfadda kubadda waxa uu Jabaan ahaa nin ku wanaagsan farsamada isaga oo ku fiicnaa sameynta alaabta jiifka.

In lagu soo biiro ciyaarista kubadda cagta ma ahan wax sahlan waxay u baahan tahay dhiiri gelin, sidaa darteed macallin Teeri oo kamid ahaa shaqsiyaadka isboortiga ugu fiican gaar ahaan kubadda cagta ayaa Muxidiin ku dhiiri geliyey in uu heer wanaagsan ka gaaro, tababare Teeri ayaa markaasi maamule  u ahaa kooxda koowaad ee Waxool halka Jabaan uu u ciyaarayey kooxda heerka labaad ee Waxool.

Muxudiin waxa uu kubadda kusoo galay heer degmo isaga oo u ciyaaray degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir. Sannadkii 1976-kii ayuu kamid noqday kooxda heerka labaad ee Waxool, sanaddii  xigtay ee 1977-kii ayuu u gudbay heerka koowaad ee Waxool.

Guulaha gaarka ee uu la gaaray naadiga wasaaradda xanaannada xoolaha ee Waxool waxaa qeyb ka ah koobabka munaasabadaha oo uu la qaaday shan koob iyo koobka General Daa’uud oo uu kula guuleystay sannadkii 1983-kii.

Sannadkii 1977-kii ayuu kusoo biiray xulka qaranka Soomaaliya gaar ahaan ciyaartoyda da’dooda ay ka hooseyso 17 jirrada, wixii intaasi ka danbeeyay Muxidiin ayaa kamid noqday laacibiinta koowaad ee xulka Badweeynta. 1978-dii ayay aheyd markii ugu horreysay oo si rasmi ah loogu yeeray ciyaartoyda waa weyn.

Kahor inta uu ka fariisan ciyaaraha caalamiga Muxidiin waxa uu xulka qaranka u ciyaaray 12 kulan. Dalal dhowr ah ayuu  kusoo ciyaaray sida Yeman, Burundi, Niger, Ugandha,Tanzania, Suudaan iyo dalal badan.

Muxidiin Jabaan ayaa xulka qaranka kula guuleystay koobka bariga iyo bartamaha Afrika ciyaartoyda da’dooda ka hooseyso 20 jirrada sannadkii 1982-kii. Muxidiin ayaa ciyaaraha isaga fariistay sannadkii 1989-kii.

Jabaan waxa uu markii ugu horreysay tababare noqday sannadkii 1996-kii, waxa uu macallin u noqday naadiga Fc Midnimo waxa uu la joogay ilaa 1999-2000-dii. Waxa uu sidoo kale tababare u soo noqday naadigii uu kusoo caan baxay ee Waxool oo uu markii danbe isaga tagay.

W/Q: Maxamed Xasan Maxamed

Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com

No comments