Wax ka ogow taariikhda ciyaaryahan Cabdi Casiis Kaluu
Cabdi
Siidoow Maxamed Kaluu waxa uu ku dhashay degmada Waaberi sannadkii 1956-kii,
waxa uu dugsiga Qur’aanka ku dhammeeyay isla xaafadaasi kaddib waxa uu ku
biiray iskuulka Macallin Jaamac isaga oo ka gaaray illaa iyo fasalka 8aad.
Kaddib
waxa uu go’aansaday inuu ku biiro dhinaca kubadda cagta oo uu aad u jeclaa
isaga oo kamid noqday dhallinta bacaadka gaar ahaan ciyaalka Isbartiibo
Weekiyo, wixii intaasi ka danbeeyay Kaluu ayuu u tillaabay ciyaatoyda degmada
Waaberi kaddib markii uu soo bandhigay ciyaar wanaag aad loogu riyaaqay.
Sannadkii
1973-kii Kaluu ayaa kamid noqday kooxda Gaadiidka isaga iyo Maxamed Xaaji
Abraar oo xilligaasi kamid ahaa degmada Boondheere, waxaa u sahlay kusoo
biiristiisa kabtankii ugu horreeyay xulka qaranka kabtan Shoongale, waxaana
goortaasi tababare u ahaa naadiga Gaadiidka ama Otabaarko macallin Faarax
Goraf.
Cabdi
Casiis Kaluu oo lagu tilmaamo in uu safka hore kaga jiray jiilkii ugu
wanaagsanaa ee xirta maaliyadda qaranka ayaa markii ugu horreysay u saftay
xulka sannadkii 1978-kii isaga oo kamid ahaa ciyaartoyda yaryarka ee lagu furay
Istaadiyow Muqdisho iyaga oo la ciyaaray koox ka socotay dalka Shiinaha.
Wixii
intaasi ka danbeeyay waxa uu ahaa shumac ay iftiinsadaan dadka xiiseeya kubadda
cagta Soomaaliya, dhammaadka sannadkaasi Kaluu ayaa lagu daray xulka qaranka
waa weyn isaga oo ciyaartii ugu horreysay la ciyaaray xulka Tanzaaniya, intii
uu xirnaa maaliyadda qaranka waxa uu kasoo ciyaaray dalal badan sida Kenya,
Zanzibaar, Zambia iyo Tanzania.
Sannadkii
1980-kii, Cabdi Casiis ayaa go’aan ku gaaray in uu soo gabagabeeyo gabi ahaan
dheesha kubadda cagta sababo qoys darteed isaga oo ka tegay kooxdii soo
barbaarisay ee Gaadiidka oo uu u ciyaarayey ku dhawaad muddo 8 sanno.
Muddo
oo uu garoomada ka maqnaa Kaluu ayaa dib ugu soo laabtay kubadda cagta kaddib
markii dalabyo dhowr ah ay u gudbiyeen Muxidiin Canbar iyo Muxidiin Jabaan
isaguna ugu danbeyn waa uu ka aqbalay waxa uuna kala mid noqday naadiga Waxool
oo ay iyagu ka tirsanaayeen balse keliya hal qeyb ayuu u ciyaaray Waxool intii
u dhaxeysay 1981-82.
Kaluu
ayaa sheegay inay jiraan ciyaartoy uusan ilaabi karin waxqabadkooda ciyaareed,
kuwii uu xusay waxaa kamid ahaa Jimcaale
Maxamed, Shiiqaalow iyo Dheemanka Madoow.
Intuu
uu garoomada ku jirey Cabdi Casiis Kaluu waxa uu ku guuleystay hal koob oo ah
kan munnaasabadaha, balse waxaa lagu tilmaamaa mid kamid ah khadkii dhexe ee
ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta Soomaaliya isaga oo kooxda iyo
qaranka u xirna tirsaga 8. Ugu danbeyn waxa uu kubadda cagta soo gabagabeeyay
sannadkii 1982-kii.
WQ: Maxamed Xasan Maxamed Owen
Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments