Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Taariikhda garsoore Xamse Xaaji Cabdi


Magaciisa oo dhammeystiran waa Xamse Xaaji Cabdi waxa uu ku dhashay degmada Warta-Nabadda ee gobalka Banaadir, 21 Oktoober sannadkii 1985-kii, waxa uu dugsi Qur’aan ku idleystay isla degmada Warta-Nabadda kaddib waxa uu ku biiray waxbarashada maadiga isaga oo ka baxay iskuulka Imaamu Shaafici oo uu dhammeeyay sannadkii 2002-dii.

Xamse ayaan waxbarashada halkaasi ku simman oo waxa uu hadda ku jiraa sannadkiisii ugu danbeeyay darajada koowaad ee jaamacadda isaga oo jaamacadda Jobkey ka diyaarinaya maadada Maamulka Dadweynaha.

Xamse Xaaji waxa uu yaraantiisii ahaa shaqsi jecel ciyaaraha isaga oo dhabbo dheer kaddib ka mira dhaliyey hammigiisii carruurnimo, waxaase cajiib ah in uu soo ciyaaray dhowr tartan oo kala geddisan kuwaasi oo u diiwan geshan guddiga Olombikada Soomaaliyeed ee GOS sida kubadda cagta, Kolleyga, Gacanta, Teeniska iyo Laliska.

Kubadda Kolleyga

Sanaddii 1997-98-kii ayuu Xamse kusoo biiray kubadda Koleyga isaga oo kamid noqday naadiga Al-Nasri, waxa uu sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Horseed, Dekedda iyo Dowladda Hoose. Dekedda kulan saaxibtinomo ayuu kala qeyb galay dalka Jabuuti.

Teeniska:

Sannadkii 1994-kii ayuu kusoo biiray saaxada ciyaaraha Teeniska, kaddib Xamse ayaa muujiyey hibbooyin cajiib ah oo aad loola dhacay, sannadkii 1997-dii waxa uu noqday horyaalka Teeniska Soomaaliya. Sanaddii 1999-kii ciyaarayahan Xamse ayaa nasiib u yeeshay in loogu yeero xulka qaranka Soomaaliya kuwaasi oo safar ciyaareed u tegay dalka Burundi oo ay kaga qeyb galeen is reebreebka qaramada qaaradda Afrika isaga oo ka galay kaalinta lixaad tartan 30 ciyaaryahan oo 14 jirrada ka hooseeya loo dhigay.

Sannadkii 2000 waxa uu Nairobi kaga qeyb gelay tartan Teenis ah oo loo dhigay ciyaartoyda ka hooseysa 16 jirrada, isla sannadkaasi ayuu Rwanda kaga qeyb galay tartan loo qabtay kuwa 16 jirrada ka hooseeya oo katirsanaa is reebreebka xulalka qaaradda Afrika.

28 July sannadkii 2002-dii ayuu koorso tababarnimo heerka koowaad ah u tegay Nairobi sidoo kale sanaddii 2005-tii waxa uu Sacuudiga ugu qeyb gelay tartanka Olombikada Islaamka, kaddib safarkaasi waxa uu noqday kaaliye xoghaye. Sannadkii 23 March 2017-kii Xamse ayaa loo magacaabay xilka xoghayaha xiriirka Soomaaliyeed ee Teeniska illaa iyo haddana waa isaga.

Kubadda Gacanta

Tani waa hibbo kale oo u dheer Xamse kaasi oo horey u soo ciyaaray dhowr tartan oo kala geddisan waxa uu markiisii ugu horreysay u ciyaaray kooxda Horseed sannadkii 2000 isaga oo la hantiyey laba koob, waxa sidoo kale uu u soo dheelay naadiyada Heegan iyo Dekedda.

Intii uu ciyaarayey waxa uu ka gaaray heer qaran waxaase cajiib ah in uu kamid yahay kabtannada soo maray xulka kubadda gacanta isaga oo xirtay calaamaddasi sannadkii 2009-kii kulan ciyaareed ka dhacay dalka Burundi.

Sannadkii 2011-kii waxa uu ka qeyb galay tartanka isrebreebka kubadda gacanta ee Olombikada oo ka dhacay Nairobi iyo safar ciyaareed kale oo ka dhacay dalka Jabuuti. Halgan dheer kaddib sannadkii 2012-kii, ciyaaryahan Xamse ayaa isu beddelay tababare kana gaaray illaa iyo heerka qaran.

Kubadda Cagta

Kubadda cagta oo ah tan ugu xiisaha badan dunida oo dhan ayuu nasiib u yeeshay in uu kasoo dhex muuqdo Xamse oo waliba horyaalka heerka koowaad ayuu kala qeyb galay kooxda SITT Daallo oo kamid aheyd kooxihii magaca iyo maamuuska ku lahaa kubadda cagta sannadihii danbe inkastoo markii danbe magaca laga beddelay, waxa uu markiisii ugu horreysay u ciyaaray kooxda sannadkii 1998-99-kii, waxa uu kasoo bilaabay horyaalka heerka seddexaad illaa uu kooxda keeno kan koowaad, intii uu naadiga joogay waxa uu kula guuleystay horyaalka heerka seddexaad ee Serie C.

Dabayaaqaddii 2006-dii ayaa loo magacaabay xulka qaranka Soomaaliya isaga oo markii ugu horreysay u ciyaaray ciyaartoyda da’dooda ka hooseyso 17 jirrada, kaddib sannadkii 2007-dii ayaa loogu yeeray xiddigaha ka hooseeya 20 jirrada iyaga oo safar ciyaareed u tegay dalka Burundi oo ay kaga qeyb ahaayeen tartanka Cecafa, isla sannadkaasi waxay safar ciyaareed u tegeen Malaawi tartan ciyaareed ahaa isreebka reebka qaramada qaaradda Afrika.

Sannadkii 2008-dii Xamse oo ku sugan dalka Jabuuti kooxdiisa SITT Daallo kala qeyb gelaya tartanka Jaamacadda Carabta ayaa kamid noqday xiddigo laga xushay kooxdiisa isaga oo loogu yeeray xulka qaranka Soomaaliya oo wakhtigaasi ku sugnaa Jabuuti kuna sii wajahnaa dalka Ugandha oo ay kaga qeyb galayeen Isreebreebka qaramada qaaradda Afrika, balse nasiib wanaag uma suura gelin in uu qeyb ka noqdo ciyaatoydaasi.

AU Maxamed Xuseen Shiiqaalow oo kamid ah dadka fara ku-tiriska ee lagu qaddariyo kubadda cagta dalka iyo Cabdi Kuus ayey ahaayeen tababarayaashii ugu horreeyay ee ugu yeera xulka qaranka Soomaaliya.

Xamse ayaa ah xiddig Olombik maadaama uu kasoo qeyb galay tartamo kala duwan, sidoo kale laacibkan ayaa soo ciyaaray kubadda Laliska inkastoo uu wakhti kooban ku jiray balse waxaa xusuus mudan in uu ku guuleystay laba koob oo uu la hantiyey kooxda Horseed.

Xamse Xaaji ayaa garsoorka kusoo biiray sannadkii 2010-kii, isaga oo ka billaabay garoomada bacaadka ee lagu qabto tartamada Ramadaanka iyo kuwa iskuulada, wixii intaasi ka danbeeyay waxa uu sameeyay horrumar ugu danbeyn sababay in uu ka miro dhaliyo hammiigisii ahaa in uu mar uun garsoore heer caalami ah noqdo.

Sannadkii 2011-kii ayuu noqday garsoore heerka seddexaad ah isaga oo dhex dhaxaadin jiray tartamada ay ka qeyb galaan kooxaha heerka seddexaad ee Serie C.

2012-kii Xamse ayaa sameeyay horrumar la taaban karo isaga oo u dallacay heerka labaad taasi oo ku dhalisay hammi ah in uu mar uun noqon karo shaqsi sharaf dheer ka sameeya waaxda garsoorka oo kamid ah hay’adaha hoos yimaada xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.

Halkaasi kuma sii ekeyn halganka Xamse oo waxa uu hal sanno kaddib sannaddii 2013-kii loo dalacsiiyay heerka koowaad, keliya markan waxa uu sugayaa in loo aqoonsado garsoore heer caalami mar haddii uu ka mira dhaliyay rajadiisii aheyd kasoo dhex muuqashada qeybta ugu sarreysa garsoorka ee gudaha, isla sannadkaasi 2013 waxaa Xamse loo aqoonsaday garsoore heer caalami ah oo awood u leh ka qeyb gelidda tartamada hoos yimaada xiriirka qaaradda Afrika.

Garsoore Xamse ayaa kamid ah kuwa ugu wanaagsan ee Soomaalida had iyo jeerna kasoo dhex muuqda tartamada caalamiga iyo kuwa gudaha. Wuxuuna safarkiisii ugu horreeyay ee bannaanka ah ku tagay dalka Burundi bishii Febraayo sannadkii 2013-kii, wixii intaasi ka gadaaleeyay si joogto ah ayuu ugu dhex muuqday safarada dibadda ah.

Intii uu mihnadan ku jiray waxa uu ka qeyb galay dhowr tartan oo dibadda ah sida kulan ka tirsanaa Confederation Cup kaasi oo ay ciyaareysay naadiga Gormahia FC kana dhacay dalka Masar.

Sidoo kale waxa uu kasoo muuqday dhowr final ah sida tartanka Jeneral Daa’uud oo kamid ah tartamada maxalliga ee ugu faca weyn dalkeenna.

WQ: Maxamed Xasan Maxamed Owen

Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com

No comments