Natiijadii xulka qaranka; Cashar mise Taariikh?
In
aad u ciyaarto qaran burbursan muddo ka badan nus qarni adiga oo leh rajo ah ku
guuleysiga jaa’isada ugu sarreysa kubadda cagta ayaa ah mid ayaan darro ah,
balse waxaa ka sharaf badan adiga oo u ciyaaraya xul qiimeyn heerkaasi la eg
lagu miitaalo misna aad ogtahay haddii uusan adiga ku helin in qof kaleba aanu
suura gal u aheyn u ciyaaristiisa.
Waa
sida ay hadda ku ciyaaraan ciyaartoyda xulka qaranka Soomaaliyeed oo in badan
lasoo kulmay guuldarrooyin mahadho leh, tusaale ahaan innaga oo ah shacabka ay
huwan yihiin haybaddooda waxaan ugu abaal gudnaa ereyo ah, kuwii dalxiiska u
baxay immisa ayaa looga soo badiyey?! bal qiyaas ciyaaryahan rajo ka leh ku
guuleysiga koob marka hadalkaasi uu maqlo miyay yeelan karaan hammi natiijo?
In
Zimbabwe oo qeyb ka aheyd ciyaarihii qaramada qaaradda Afrika 2019 ee ka dhacay
Masar ay ka badiso mid kamid ah xulalka
ugu guulaha hooseeya qaaradda Afrika dadku qaar waxay lahaayeen taariikh balse
annigu sidaasi iilama muuqato, waxaase dhihi karaa oo keliya ma aheyn taariikh
ee waxay aheyd cashar.
Sannado
kahor marka aad la sheekeysato madaxda cayaaraha dalka oo aad hordhigto weydiin
ah, maxaa laacibiinta qaranka keliya looga xulaa Xamar? Warcelinta ayaa aheyd
ma heysanno kharash aan ciyaartoyda gobollada ku keeni karno Muqdisho, balse
hadda waxaad moodaa in fikirkaasi qiyaaliga u badnaa uu soo idlaaday waase
casharkii aan ka barannay labadii kulan ee Soomaaliya ay la ciyaartay qaranka
Zimbabwe markaasi oo inta ugu badan laacibiinta qaranka laga keenay dibadda,
taasina waxay dhallisay in xulka labada kulan qeybta koowaad aan shabaqooda
gool la taabsiin.
Soo
xulista ciyaartoyda ee ku dhisan in xiddigaha laga keeni karo meelo ka baxsan
Xamar sida gobollada iyo dalka dibaddiisa waa mid muhiim u ah xulka, tusaale
ahaan xilligii berisamaadka waxaa jiray ciyaartoy inta tartamadii goballada
lagu arkay kaddib lagu daray xulka sida Cafiif, Bin-Shaakir Shaash iyo kuwa
kale aan halkaan lagu soo koobi karin dhammaana waxaa lagu sheegaa inay qeyb ka
ahaayeen kuwii ugu habboona ee maaliyadda qaranka soo xirta.
In
la xareeyo xiddigaha qaranka waxay bahda ciyaaraha oo u badan ciyaatoydii
berisamaadka ay ku sheegeen inay tahay mid lama huraan ah haddii loo baahan
yahay ciyaatoy isla jaan qaadi karta oo saf dhammeytiran ah.
Hab
xulista ciyaartoyda ee haatan ku dhisan qabiilka iyo nin jecleysiga waa dhabar
jabka ku habsaday xiddigaha Badweynta, wax yaabaha dhacay ee la arkay waxaa
kamid ah in masuulyiinta kooxaha hoggaamiya ay madaxda ciyaaraha ku cadaadiyaan
in koox kastaaba ay ciyaaryahanno ku yeelato iyada oo aan loo eegeynin
xirfaddiisa iyo wax-qabadka uu ku muteysan karo matalidda xulka, waase dhibaato
kale oo qeyb weyn ka ah guuldarrooyinka xulkeenna, xulka guul miyuu u baxay
mise muuq?
La’aanta
garroomada, waa aafo weyn oo uu qof waliba ogyahay, tani waxay dhalisay in
xulka qaranka Soomaaliya uu minin ahaan ugu ciyaaro dalka sida sharfoon inoo
qaabilay ee Jabuuti, iyada oo ay dhawaan mareegta kasoo baxda dalka Sacuudiga
ee Arab News ay daabacday cinwaan ay ula baxday “ Xulkii hooy la’aanta oo ka
yaabsaday Zimbabwe.” Dadka Soomaaliyeed ee sida weyn u faaqida ciyaaraha waxay
sheegeen in hadalkaasi uu sax ahaa, waxayna sabab u dhigeen in xulka aanu
heysan garoon uu ku marti geliyo dalalka caalamka.
Sababta
keeneysa in xulka uusan marti gelin karin wadamada kale waxaa lagu sheegay in
Muqdisho aysan amni aheyn, ogoow Xamar keliya ma ahan Soomaaliya, bal maxaa
diidaya haddii Muqdisho aysan xasillooni ka jirin in garoomo heer sarre ah laga
hir geliyo magaalooyinka Garoowe iyo Kismaayo oo ka nabadsan Xamar? Waa weydiin aan hordhigayo madaxda
ciyaaraha dalka oo ay ugu horreeyaan masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta
Soomaaliyeed oo iyagu kharash badan ka hela hay’adda FIFA.
Joogteynta
ciyaaraha gobalada waxay qeyb ka qaadaataa in la helo ciyaartoy heybad u leh kubadda
kuwaasi oo ka xooggan kana dhisan kuwa ka ciyaara caasimadda, tusaalaha cad ee
la helay ayaa ah in labadii tartan ee ugu danbeeyay cayaaraha maamul
goboleedyada ay hanteen Puntland iyo Jubbaland iyada oo ay xittaa Muqdisho soo
gaarin heerka ugu danbeeya ciyaarahaasi.
Taageerada
maaliyadeed ee dowladda waa mid kamid ah tubaha ugu weyn ee lagu xoojin karo
xulka qaranka Soomaaliya, dibna loogu soo celin karo sharafkii uu ku lahaa
qaaradda iyo caalamka intiisa kale iyada oo loo sameynayo miisaaniyad loogu
tala galay xulka qaranka.
Dhammaan
qoddobada aan xusay waxay u baahan yihiin ficil ee uma baahna ballan qaad ka
imaanaya hay’adaha kala duwan ee ku shaqada leh cayaaraha iyo madaxda sarre ee
dowladda, waase haddii si dhabba loo doonayo horumarka cayaaraha dalka.
Ugu
danbeyn bahda ciyaaraha qeybaheeda kala geddisan ayaa aaminsan in dowladda
looga baahan yahayb garab istaag buuxa oo loo muujiyo xulka qaranka
Soomaaliyeed, sidoo kalena hay’adaha ciyaaraha maamula lala xisaabtammo, si ay
ugu madax bannaanaadaan wax musuq iyo nin jecleysi.
Mahadsanidiin.
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
Danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments