Taariikhda goolhaye Cabdi Wali Gaatamow
Cabdi
Wali Colaad Qanyare oo ku caan baxay magaca Gaatamow waxa uu ku dhashay
magaalada Beledweyn ee gobalka Hiiraan sanaddii 1980-kii. Waxa uu ku barbaaray
magaalada Muqdsiho gaar ahaan degmada Dharkeynley xaafadda Macmacaanka. Waxa uu
halkaasi kaga aflaxay dugsiga Qur’aanka, sidoo kale Gaatamow ayaa waxbarashada
maadiga ku qaatay iskuulka Cali Xuseyn isaga oo halkaasi ku dhameystay seddexda
heer ee iskuulka sannadkii 1999-kii.
Kaddibwaxa
uu ku biiray jaamacadda Indian Ocean ee magaalada Muqdisho isaga oo ka qaatay
diblooma maadada maareynta ganacsiga, waxa sidoo kale uu diblooma English ah ka
helay jaamacadda Plasma, waxa uu hadda wax ka bartaa jaamacadda Jobkey oo uu ka
dhigto Public Administration.
Sanaddii
1999-kii ayuu kusoo biiray ciyaaraha heerka koowaad isaga oo kamid noqday
naadiga Webi Shabelle oo ka dhisneyd degmada Afgooye kana ciyaareysay horyaalka
heerka koowaad ee dalka, waxaana uu kulankiisii ugu horreeyay la ciyaaray
Feynuus oo wakhtigaa la oran jiray Alba.
Sanaddii
2000 ayuu ku biiray kooxda bariga dhexe waxaana uu kamid ahaa illaa 2002-dii,
kooxdan ayuu ka saaciday in uu kasoo dalacsiiyo heerka labaad una gudbiyo
heerka koowaad, intii uu joogay waxa uu la hantiyay hal koob oo ah heerka
labaad.
Sannadkii
2002-dii waxa uu ku biiray kooxda Horseed isaga oo kamid ahaa illaa 2004-tii
balse intii uu naadiga joogay ma uusan kula guuleysan wax koob ah, kaddib waxa
uu caga dhigtay kooxda uu magaca ku sameeyay ee Banaadir Sports Club oo hadda
loo yaqaan Muqdsiho City Club sannadkii 2004-tii isaga oo kamid ahaa illaa iyo
2015-kii.
Waxa
uu ku sameeyay taariikh aan daahsoomi Karin, waxa uu kooxda kula guuleystay
laba horyaal oo uu middi yahay mid aan xilli ciyaareedka oo idil aan laga
adkaan iyo Jeneraal Daa’uud. Intii uu kooxda joogay waxa uu ka qeyb galay safaro ciyaareed oo dibadda ah.
Sanaddii
2003-dii ayaa Gaatoow loogu yeeray matalidda
xulka qaranka Soomaaliya inkasta oo uusan kamid noqon qorshaha xulka
maadama uu dhaawac soo gaaray. Mar kale ayaa loogu yeeray xulka 2005-tii
ciyaartoyda ay da’dooda ka hooseyso 20 jirrada, waxa uu kulamo ciyaareed ugu
qeyb galay tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo lagu qabtay dalka Zanzibar.
Sannadkii
2006-dii ayuu kamid noqday ciyaartoyda waaweyn ee xulka isaga oo kulankiisii
ugu horreeyay la ciyaaray dalka Suudan tartan lagu qabtay Itoobiya kaasi oo
katirsan Bariga iyo Bartamaha Afrika. Isla sannadkaasi waxa uu sidoo kale ka
qeyb galay tartanka jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka Lubnaan.
Wixii
ka danbeeyay 2006-dii goolhaye Gaatamow ayaan nasiib u yeelan matalidda xulka
qaranka Soomaaliya inkastoo dhowr jeer loogu yeeray xulka in mar kale uu
matalo.
Sanaddii
2015-kii ayuu go’aansaday in uu gabi ahaanba soo gabagabeeyo xirafadda
ciyaaryahannimo isaga oo wixii intaasi ka danbeeyay isu beddelay caawiye
tababare.
Hadda
waa tababare ku-xigeenka kooxda Muqdisho City Club, waxa sidoo kale yahay
macallinka goolhayayaasha xulka qaranka Soomaaliya.
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments