Taariikhda orodyahan Maryan Nuux Muuse
Maryan
Nuux Muuse waxay ku dhalatay magaalada Muqdisho gaar ahaan dagmada Shibis
sannadkii 1998-kii, waxay ku barbaartay isla dagmadaasi iyada oo halkaasi kaga
aflaxday dugsi Qur’aan kaddib Maryama waxay ku biirtay mid kamid ah iskuulada
maadiga gaar ahaan Maxamuud Mire oo ay ku dhammeysatay dugsiga hoose iyo dhexe.
Maryan waxay hadda wax ka barataa iskuulka Macmuur iyada oo mareysa heerka ugu
danbeeya ee dugsiga sare.
Maryan
oo yaraanteyda aheyd mid aad u jecel ciyaaraha gaar ahaan orodka ayaa heshay
rajadii ugu sarreysay ee laga tiigsado ciyaaraha kaddib markii ay xeratay
maaliyadda buluugga ah ee xulka qaranka Soomaaliya.
Waxay
orodka kusoo biirtay iyada oo aad u yar, waxay ka qeyb gashay tartanka
iskuulada ee dhinaca orodada, waxay koobab kula guuleysatay iskuulka Maxamuud
Mire orodka 100-200 mitir, wixii markaasi ka danbeeyay waxaa billowday
iftiinkii Maryama.
Sannadkii
2013-kii ayay aheyd markii ugu horreysay oo ay kusoo biirtay ciyaaraha iyada oo
kamid noqotay naadiga Iimaan Hospital ee xagga orodada, waxayna halkaasi ku
muujisay sheekooyin loo riyaaqay iyo bandhig qurux badan waxaana markii ugu
horreysay tababare u noqday macallin Nadiifa oo xilligaasi hoggaamiye u aheyd kooxda
haweenka ee Iimaan Hospital.
Sanaddii
2016-kii, waxay kusoo biirtay matalidda xulka qaranka Soomaaliya, intii ay
xirneyd maaliyadda xulka waxay ka qeyb gashay safaro badan oo dibadda ah
waxaana kamid ah;
2013-kii
waxay orodka 200 mitir ugu qeyb gashay dalka Botswana inkastoo wax natiijo ah
aysan halkaa kala soo laaban.
Sannakii
2014-kii ayay tartan orod ah kaga qeyb gashay dalka Brazil iyada oo oroday 400
mitir balse waxay aheyd wakhti uusan nasiibku siin inay xulkeeda guul ula soo
laabato. Isla sanadkaasi waxay orodka 400 mitir ugu qeyb gashay dalka Koongo.
2015-kii
dalka Tanzania ayay safar ciyaaro u aaday iyada oo oroday 400 mitir nasiib
xummo way ku adkaatay in halkaasi ay billad kala soo laabato.
Riyo
waliba oo uu qof leeyahay mar ayuu Alle run ugu dhigaa balse waa nasiib,
markaan waxaa yimid hammigii Maryan kaddib markii ay qeyb ka noqotay tartanka
afartii sanno mar la qabto ee Olombikada adduunka sannadkii 2016-kii iyada oo
hugan calanka buluugga ee dalkeenna ayay geysay magaalada Rio de Janeiro ee
dalka Brazil balse nasiib xummo wakhtiga ayaa ka hiiliyay. 2017-kii tartan ayay
kaga qeyb gashay dalka Azerbijaan.
Maryan
intii ay soo ciyaareysay waxay hanatay dhowr
billad iyo koobab oo ay kula guuleysatay naadiga Iimaan Hospital, in ku
dhow 25 billad ayay si shaqsi ah u qaaday halka naadigeeda ay kula guuleysatay
siddeed koob oo uu midi yahay kaalinta labaad.
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments