La kulan – Garsooraha heerka caalami ee Maxamed Soomaali
Maxamed
Nuur Muxidiin oo ku caan baxay magaca Maxamed Soomaali waxa uu ku dhashay degmada
Yaaqshiid ee gobalka Banaadir, sanaddii 1989-kii. Waxa uu ku barbaaray
magaalada Obakh ee dalka Jabuuti. Waxa uu dugsi Qur’aan iyo dugsi hoose ku
qaatay isla magaalada Obakh.
Sannadkii
1999-kii ayuu yimid magaalada Muqdisho,
waxa uu dugsiga dhexe ku dhameystay dugsiga Al-Nuur, sanaddii 2005-tii ayuu
dugsiga sare kaga aflaxay Macallin Jaamac. Sidoo kale waxa uu darajada koowaad
ee jaamacadda ka diyaariyay kuliyadda saxaafadda gaar ahaan jaamacadda
Khartuum.
Sanaddii
2004-tii ayuu ku soo biiray mihnadda saxaafadda isaga oo ka mid noqday
shaqaalaha Radio Banaadir, waxa uuna idaacadasi ka shaqeynayay illaa
2014-kii. 2007-dii waxaa loo magacaabay
tifaftiraha guud ee Radio Banaadir waxa uuna xilkaasi hayay intii u dhaxeysay
2007 illaa 2009.
2015-kii
waxa uu kamid noqday Dalsan Radio muddo yar kaddib waxaa loo magacaabay madaxa
Barnaamijyadda, Maxamed waxa uu ahaa hindisihii ugu horreeyay ee barnaamijka
tartan aqooneedka Radio Dalsan. Sanaddii 2016 ayuu soo gabagabeyay u shaqeynta
Dalsan Radio iyo guud ahaan mihnadda warbaahinta.
2013-kii
ayuu kusoo biiray saaxada garsoorka
isaga oo ka bilaabay garoomada bacaadka sida Qoobdooro, Waamo, Iskuul
Jabuuti iyo garoomo kale.
Wixii
intaasi ka danbeeyay Maxamed waxaa u ifay shumicii hibadiisa garsoor. 2014-kii
waxa uu kamid nooday garsoorayaasha heerka seddexaad kaddib sannadkii 2015 waxa
uu u dalacay heerka labaad.
waxa
uu ka qeyb galay isla sannadkaas seminaar ay si wadajir ah u soo qaban
qaabiyeen FIFA iyo Caf oo ku saabsanaa
sare u qaadista garsoorayaasha mustaqbalka leh, waana markii ugu horreysay oo
tababar ceynkaasi ah loo qabto garsoore aan caalami aheyn, waxa uuna
tababarkaasi uu ka dhacay magaalada Daaru Salaam ee dalka Tanzania.
Dib
u soo laabashadisa kaddib waxa uu dhexdhexaadiyay kulan ciyaareed xiisa badnaa
oo u dhaxeeyay kooxaha Badbaado iyo Saxafi kulan kooxdii badisa ay u soo
baxeysay horyaalka heerka koowaad, taasi waxay sababtay in loo dalacsiiyo
heerka koowad kaddib markii lagu qancay go’aan qaadashadiisa, waxa uuna
ciyaartiisii ugu horreysay uu dhexdhexaadiyay kooxaha Horseed iyo Dekedda
natiijo ciyaareed ku soo idlaatay barbaro 3-3 ah.
Sanaddii
2015 waxa uu garsooray finalka Super Cup ee u dhaxeeyay Horseed iyo Heegan. Sannadkii
2016 waxa noqday garsoorihii ugu horreeyay ee adeegsada aaladda ay iskula
hadlaan garsoorka oo ay isticmaalaan dalalka horumaray waxa uuna kulankaasi
dhexmaray Heegan iyo Elman.
Seddex
sano oo xiriir ah laga bilaabo 2015 ilaa 2017 waxa uu nasiib u yeeshay in uu
dhexdheexdiyo finalka koobka degmooyinka gobalka Banaadir. 2017 waxa uu noqday
garsoorkii ugu horreeyay ee xilli habeen ah ciyaar dhexdhexaadiyo , waana
kulankii u dhaxeeyay Hodan iyo Waaberi. Sannadkii 2018 ayaa markiisii ugu
horreysay loo magacaabay garsoore heer caalami waxaana aqoonsaday hay’adda ugu
sarreysa kubadda cagta ee FIFA.
Ciyaartii
ugu horreysay oo dibadda ah waxay ahayd ciyaaraha Champions League oo ay
dheelaan kooxaha Afrika, kulan uu ahaa sarkaalka afaraad ciyaar ka dhacday
magaalada Kambala una dhaxeysay kooxo ka kala socday waddamada Ugandha iyo
Congo.
Sidoo
kale kulankii ugu horreeyay oo uu noqdo garsooraha koowaad waxay ka dhacday
Addis Ababa kulan ciayareed u dhaxeeyay Itoobiya iyo Burundi natiijo ay 2-0 ku
badisay Burundi kulan ka tirsanaa ciyaartoyda ay da’doodu ka hooseyso
20-jirrada ee CAF.
Isla
sannadkaasi waxaa loo xulay in uu kamid noqdo garsoorayaasha dhexdhexaadin
doona kulamada ay dheelayaan ciyaatoyda ka hooseeya 17-jirrada ee Cecafa, isaga
oo ciyaartii ugu horreysay seeriga u qabtay Tanzania iyo Ugandha natiijo ku
idlaatay barbaro 1-1 ah.
Waxa
uu sidoo kale isla koobkaasi dhexdhexaadiyay kulanka kaalinta seddexaad oo ay
ciyaarayeen Kenya iyo Ugandha. Kulamada oo garsooray waxaa kamid ah kulan
dhexmaray naadiyo ka socday dalalka Jabuuti iyo Kenya.
Sanaddii
2018 waxa uu ka qeyb galay seminaar aqoon kororsi ah oo loo qabtay garsoorada
cusub ee FIFA kaasi oo ka dhacay magaalada Qaahira ee dalka Masar.
2018
waxaa loo magacaabay garsooraha sannadka Soomaaliya oo ay bixiso Mogadishu
Awards codeyn ku timid afti dadweyne. Isla sannadkaasi, waxa uu kamid noqday
xiriirrada Cecafa, Caf iyo FIFA.
Maxamed
waxa uu kamid yahay garsoorrada u diiwan geshan xiriirka kubadda koleyga isaga
oo kusoo biiray 2017.
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments