Taariikhda halyey Bashiir Jeenyo
Bashiir
Cilmi Maxamed waxa uu ku dhashay degmada Warta Nabadda ee gobalka Banaadir
sannadkii 1955-kii, waxa uu kamid ahaa ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee soo mara
kubadda cagta dalka inta la xasuusto.
Bashiir
waxa uu ahaa shaqsi jecel in uu meel sare ka gaaro waxbarashada,inkastoo uu ku
hakiyey dugsiga sare, waxa uu dugsiga hoose ku dhameystay iskuulka 15 May,
halka midka dhexe uu kaga baxay iskuulkii Xamar, isaga oo ugu danbeyn dugsiga
sare ku qaatay iskuulkii Bartmaha ee ku yiilay degmada Boondheere, kaddib waxa
uu u wareegay ciyaarista kubadda cagta oo uu aad u jeclaa yaraantiisii.
Bashiir
Jeenyo oo lagu tilmaamo khadkii dhexe ee ugu wanaagsanaa naadiga Jeenyo, waxa
uu kubadda cagta soo galay isaga oo aad u yar, waxa uu qeyb ka ahaa
dhalinyaradii kusoo shaac baxay garoomada bacaadka xaafadda Suuqa Xoolaha ee
degmada Heliwaa.
Sannadkii
1970-kii ayuu ka qeyb galay ciyaarihii iskuulada gobalada, isaga oo sannadkaasi
ku guuleystay ciyaarahaasi, isla sannadkaasi waxa uu ku guuleystay horyaalka
heerka labaad ee Seria B, waxa uu la qaaday kooxdii la oran jirey Xamar Jadiid
oo markii danbe loo bixiyey Badda. 1971-kii waxa uu kamid noqday naadiga
Bangiga waxayna aheyd kooxdii ugu horreysay ee uu kala qeyb galo horyaalka
heerka koowaad ee dalka isaga oo halkaasi kusoo bandhigay farsamooyin loo
riyaaqay, 1971-kii waxaa u suura gashay in uu kamid noqdo naadiga Jeenyo.
Bashiir
ayaa Jeenyo kusoo bandhigay gool dhalin iyo kubad caawin, waxayna dadkii
berigaa daawan jirey ahaayeen kuwa aad u jecel habdhaqankiisa ciyaareed, intii
uu joogay kooxda waxa uu kula guuleytsay koobab badan sida lix Jeneraal Daa’uud
iyo hal horyaal, waxa uu safaro ciyaareed oo dibadda ah kala qeyb galay Jeenyo
inkastoo uusan koobab kula guuleysan.
Kooxihii
uu dibadda kula soo ciyaaray waxaa kamid ahaa Al Hilaal, Samaalik, Al-Ahli, KCC
iyo Gor Mahia Football Club sidoo kale naadiga Horseed waxa uu kala qeyb galay
safaro ciyaareed oo banaanka ah, kulamadii uu ciyaaray waxaa kamid ahaa ciyaar
final ah oo uu la dheelay kooxda Gor Mahia Football Club, waxaana loogu
adkaaday 2-1,inkastoo uu goolka madiga ah dhaliyey, sanaddii 1982-kii waxa uu
soo gabagabeeyay u ciyaarista kooxda Jeenyo oo uu in mudda ah u ciyaarayey.
Sanaddii
1972-kii ayaa loo magacaabay xulka qaranka Soomaaliya waxa uu ciyaartiisii ugu
horreysay kahor tagay dalka Liibiya oo uu kula ciyaaray magaalada Tariibuli ee
caasimadda dalkaasi waxayna ciyaartaasi ku adkaadeen natiijo 2-1 ah. Intii uu
ka tirsanaa xulka waxa uu kasoo ciyaaray dalal dhowr ah sida Kenya, Ugadha,
Itoobiya, Burundi, Sudan, Yeman, Tanzaniiya ,Liibiya, Imaaraatka, Masar, Italy
iyo dalal kale oo dhowr ah.
Sannadkii
1982-kii, Bashiir ayaa ka tegay dalka isaga oo gaaray dalka Qadar halkaasi ayuu
kasii amba qaaday xirfaddiisa waxa uu ku biiray koox lagu magacaabo Al-Nahda oo
ka dhisan Qadar waxa uu kasoo saaray horyaalka heerka labaad iyaga oo ku
guuleytsay horyaalkaasi,waxa uu kooxdaasi la joogay muddo lix sanno ah, kaddib
Bashiir ayaa isaga tegay kooxda Al-Nahda waxa uuna caga dhigtay mid kamid ah
kooxaha ciidamada dalka Qadar isaga oo
kula guuleystay afar horyaal oo ah kuwa ay ciyaaraan kooxaha ciidamada.
Sannadkii
1987-kii waxaa soo idlaaday waayihii ciyaaraha ee Bashiir Jeenyo, waxa uu
kubadda cagta ku jirey intii u dhaxeysay 1970-kii ilaa 1987-dii, waana mid kamid
ah laacibiintii ugu wanaagsanaa ee soo mara kubadda cagta Soomaaliya, Taarikhda
ayaa xusi doonta.
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments