Taariikhda kubadda cagta Soomaaliya 1935-1960
Kubadda
cagta waa mid kamid ah noocyada cayaaraha ee sida weyn loo xiiseeyo, dadka jecel kubadda cagta ayaa
lagu sheegaa 4 Bilyan oo ruux marka loo eego dadka ku nool dacalada dunida oo
lagu qiyaaso 7.7 Bilyan, taasi oo ku tusineysa sida weyn ee loo xiiseeyo
xirfadan.
Soomaaliya
waxay kamid tahay dalalka sida weyn loogu ixtiraamo, waxaa la rumeysan yahay in
intii u dhaxeysay 1935-kii illaa 1940-kii ay soo gaartay ciyaaristeeda, waxaana
xornimada kahor loo ciyaari jiray hab ku saleysan qabiil laakiin markii uu
yimid ururkii xornimo doonka ee S.Y.L, waxa uu u bedelay aragti kale oo ah in
farac kasta oo kamid ah ururka Leegada loo qabto tartamo, tusaale magaalooyinka
ay gacanta ku hayaan in laga qaban qaabiyo kulamo ay ciyaaraan taasi oo ku
tusineysa xiisaha ay Soomaalidu u heyso ciyaarista kubadda cagta.
Wixii
ka danbeeyay 1948-kii, waxaa la sheegaa in uu billowday iftiinkii kubadda cagta
kaddib markii dhidibada loo aasay kooxdii Jeenyo, waxaana markaa ka horreysay
Otabaarko ama Gaadiidka oo iyadu dhidibada loo taagay sanaddii 1946-kii,
kooxihii jirey kahor 50-kii waxaa kamid ahaa Biyaatooni, Buluusiyo, Senitaa,
Gaadiidka iyo Jeenyo.
Horraantii
bishii Janaayo sannadkii 1950-kii Comitato Olimpico Nationale Italino “CONI” oo
uu fadhigoodu ahaa magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ayaa Rosi soo magacaabay
si uu u noqdo wakiilka Coni ee Soomaaliya oo ay markaasi si xornimo gaarsiin ah
u hoos imaan jiray isla markaana waxaa uu ahaa madaxa isboortiga dalka.
Wakiil
Rosi waxa uu isaguna magacaabay Sawli oo horey garsoore u ahaa waxaana loo
magacaabay guddoomiyaha xiriirka Coni ee Soomaaliya, waxaana sidoo kale xoghaye
loo magacaabay Batriani.
Dhammaadkii
1951-kii waxaa la aas’aasay koobka Viera
Berrimo copa della Somalia inkastoo 1972-kii loo bedelay Jeneraal Daa’uud
waxaana markii ugu horreysay tartankaasi
loo qabtay afar naadi oo ay laba Soomaali ahaayeen halka labada kale ay
ahaayeen Talayaani, waxaa finalka wada ciyaaray Jeenyo iyo Gaadiidka, koobkana
waxaa la hoyatay Gaadiidkka waana sannadkii 1951-kii.
Sanaddii
1952-kii ayay aheyd markii ugu horreysay oo la qaban qaabiyo suurta galnimada
ah in la sameeyo horyaal, waxaana horyaalkaasi ku guuleystay naadiga Jeenyo oo
noqotay kooxdii ugu horreysay ee hanata horyaalka dalka oo xilligaa dhidibada
loo taagay, waxaana wakhtigaasi magaca horyaalka uu ahaa Campioni maadaama uu
dalka joogay gumeystihii Talayaaniga.
Horyaalada
la qabtay iyo kooxaha ku guuleytsay sannadahaasi laga soo gaaro 1960-ka.
Sannadka Kooxda
1952-1953 Jeenyo
1953-1954 Booliska
1954-1955 Gaadiddka
1955-1956 Gaadiidka
1956-1957 Gaadiidka
1957-1958 Muqdisho.
Sanaddii
1954-kii waxaa la aas’aasay horyaalka heerka seddexaad ee Seria C oo ay
xilligaasi ka qeyb geli jireen 12 koox oo laga soo xulay xaafadaha Muqdisho,
kooxahaasi waxaa kasoo baxay lix koox oo kala ahaa Xamar Weyne oo iyadu qaaday
koobka, Ceelgaab, Isku raran, Boondheere, Shingaani iyo Cabdi Casiis iyada oo
naadiyadaasi loogu deeqay agab isboorti iyo lacag.
Lixdaasi
koox waxaa lagu aas’aasay horyaalka heerka labaad ee Seria B iyada oo ay
tartankaasi ku guuleysatay kooxda Isku raran oo ay xilligaasi qeyb ka
ahaayeen Allaha u naxariistee kabtan
Shoongale iyo macallin Tuke.
Lasoco
qeybaha xiga dhawaan.
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments