Garsoore ilaa xog-haye – Nolasha Xasan Fareey
Hassan
Mohamed Mohamud oo ku magac dheer Xasan Fareey,waxa uu ku dhashay magaalada
Muqdisho,gaar ahaan degmada Boondheere,01-October-1957,waa mid ka mid ah
shaqsiyaadka aadka loogu qadariyo Sportiga dalka gaar ahaan kubadda cagta,waxa
uu ciyaaraha kusoo galay heer cayaaryahan isaga oo ugu danbeyn u wareegay
dhanka garsoorka oo uu gaaray heer caalami.
Heerka waxbasrahada
Xasan
Fareey waxa uu yaraantiisii ahaa qof aad u jecel waxbarashada, isaga oo gaaray
ilaa iyo heerka 1aad ee jaamacadda, waxa uu kabaxay jaamacadda Umadda
Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta Lafoole.
1966
– 1971 waxa uu Xasan dhiganayey dugsiga hoose ee iskuulka,isaga oo halkaas kaga
baxay iskuulkii Boondheere ee ku yiilay degmada Boondheere.
1971
– 1974 Xasan Fareey waxa uu dugisa dhexe kaga
baxay iskuulkii Xamar.Intii u dhaxeysay 1974 – 1978, Fareey ayaa heerka
ugu danbeeya ee iskuulka waxa uu ku dhameeyay Aqoon-Darsan School.
1982
– 1985 Xasan Fareey ayaa ugu danbeyn
darajada koowaad ee heerka jaamacadda waxa uu kaga dhameystay Jaamacadda
Umadda,qeybta Lafoole,isaga oo bartay
Physical fitness ama dhismaha jirka.
Heerka cayaaraha
Xasan
waxa uu ahaa mid aad u jecel in uu wax badan kasoo muuqdo una safto kooxaha
xilligaasi ciyaari jirey iyo xulka qaranka,Xasan waxa uu cayaaraha kusoo galay
heer degmo, isaga oo u saftay degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir.Fareey uma
suura gelin in uu heer wanaagsan ka gaaro,Bandhiggiisa ugu wanaagsan ee
cayaaraha ayaa ah in uu keliya kasoo muuqday kulamada degmooyinka G.Banaadir.
Garsoorka
Kulankii
ugu horeeyay oo gudaha waxa uu dhexdhexaadiyey kooxaha Batroolka iyo Municia,
halka ciyaartii ugu xasuusta badneyd ay aheyd kulan dhex marey kooxaha Horseed
iyo Jeenyo,ciyaar ay 1 -0 ku guuleysatay Horseed.
Markii
ugu horeysay oo uu dibadda garsoore kasoo noqday waxay aheyd 1989,kulan ka
tirsan koobka kooxaha xiriirka CAF, una dhaxeysay – Ismailia Vs Bagbag ee
waddanka Za’iir,Xasan ayaa ciyaartaasi ka ahaa caawiyaha labaad ee
kulanka.Fareey waxa uu garsoore heer caalami ahaa intii u dhaxeysay 1989-2002.
Kulamadii
ugu waa weynaa ee uu Xasan dhexdhexaadiyo waxaa kamid ah ciyaar katirsan
tartanka CAF 24th Cup of Nations kaasi oo dhacay 06/09/02,wuxuuna dhex maray
dalalka Uganda Vs Ghana.
Xilalka uu soo gabtay Xasan Fareey.
1988–
1990 Xoghayaha fulinta Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.
1991
– 1997 kuxigeenka xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed.
1997:Xoghayaha
fulinta Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed
2004
– 2005 kuxigeenka xoghayaha guud ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed
2014
Xoghayaha xiriirka kubadda cagta Soomaaaliyeed.
2016
– 2017 Waxa uu xubin ka ahaa Guddiga Caf
qeybta dhalinyarada koobka qaramada qaaradda Africa oo ay da’dooda ka hooseyso
17 jirada.
2018
– 2020 Waa xubin ka tirsan Guddiga Caf
qeybta dhalinyarada koobka qaramada qaaradda Africa oo ay da’dooda ka hooseyso
17 ,20,iyo 23 jirada.
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments