Wax ka oggow taariikhda macallin Cabdiraxmaan Macallim “Taree”
Cabdiraxmaan
Macallim Axmed oo ku caan baxay magaca Taree waxa uu ku dhashay magaalada
Muqdisho gaar ahaan degmada Warta nabadda sannadkii 1976-kii. Waxa uu xafiday
Qur’aanka kaddib waxa uu ku biiray iskuulka Maxamuud Xarbi isaga oo halkaasi ku
qaatay dugsi hoose iyo dhexe kaddib waxa uu ku biiray dugsiga 15 May waxa uu
halkaasi kaga aflaxay dugsiga sare sanaddii 1990-kii. Waxa uu Sidoo kale
maadada cilmiga bulshada ka dhammeeyay jaamacadda Xamar.
Macallim
Taree waxa uu ciyaaraha kusoo biiray isaga oo aad u da’yar waxa uu kamid ahaa
dhallinyarada ugu firfircoon degmada Warta nabadda sannadkii 1986-kii. Waxa uu
iskuulka Maxamuud Xarbi kula guuleytay koobka iskuulada, wixii intaa ka
danbeeyay waxaa u bidhaamay iftiinka kubadda cagta iyo hibadiisa ciyaareed
isaga oo ku biiray dhowr koox oo isugu jira heerka koowaad iyo heerka labaad
sida Sheel, STS, Bariga dhexe,Shabelle United,Al Nasiib iyo Feynuus, waxaana uu
kula guuleystay koobab badan isaga oo xirfaddiisa ciyaareed soo gabagabeeyay
sanaddii 2006-dii.
Sannadkii
2009-kii waxa uu Taree kusoo biiray saaxadda tababarnimo isaga oo hoggaamiye u
noqday naadiga Muqdisho City Club, intii uu joogay kooxda waxa uu kula
guuleytay laba koob sida Jeneraal Daa’uud oo uu qaaday xilli ciyaareedkii
2011-12 iyo horyaalka oo uu si layaab leh ku qaaday kaddib markii isaga oo aan
laga adkaan uu hantay fasal ciyaareedkii 2013-14.
Waxa
uu kooxda isaga hayaamay 2015 isaga oo ku biiray kooxda Gaadiidka muddo seddex
sanno ah oo uu joogay kooxda waxa uu la qaaday tiro koobab oo munaasabado ah,
2018 ayuu ka dhaqaaqay.
Sanaddii
2018 waxa uu ku biiray kooxda Elman isla sannadkaasi waxa uu kooxda kula
guuleystay koobka xiddigaha ama Star League oo markaas laga hirgeliyey koobabka
u diiwaan geshan xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, waxaana uu Elman kula
guuleystay isaga oo aan laga adkaan kooxdiisa. Macallin Taree hadda waxa uu
kamid yahay tababarayaasha xulka qaranka Soomaaliya.
Sannadkii
2004-tii Macallim Taree waxa uu hormuud u ahaa ciyaartoy Soomaaliyeed oo markii
ugu horreysay loo qaaday dalka Spain gaar ahaan garoonka Santiago Bernabéu
safar dibadda ah oo ay iska kaashadeen hay’adda Unicef iyo UNDP. Intii u
dhaxeysay 2003 iyo 2006 waxa uu agaasime kasoo noqday Benaadir Youth Network
W/Q:
Maxamed Xasan Maxamed
Farriin
danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments