Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

La kulan – laacibkii ugu horreeyay ee seddex gool ka dhaliya Stadium Muqdisho



Maxamed Ismaaciil Cali oo ku caan baxay Siteey waxa uu ku dhashay magaalada Cadan ee dalka Yeman  sannadkii 1961-kii. Maxamed waxa uu ahaa nin aad u jecel waxabarashada inkastoo ugu danbeyn uu ka gaaray illaa iyo heerka dugsiga sare. Waxa uu u weecday kaddib dhinaca ciyaaraha gaar ahaan kubadda cagta, Siteey ayaa xirfadaan ku soo biirey sannadkii 1974-kii illaa 1981-kii ayuu garoomada ku jiray kaddib dalka Qatar ayuu u amba baxay.

Marka laga hadlayo kubadda cagta Soomaaliya waxaa si weyn loo xiiseeyaa tartanka ciyaaraha gobalada oo uu shaqsi kasta oo ciyaaryahan ah ku haminayay in uu mar ka dheelo,nasiib xummo Siteey qeyb kama uusan aheyn ciyaarihii gobalada maadama xilligaasi da’diisu ay aheyd 13 jir oo uu aad u yaraa taasi waxay keentay in uu ka baaqsado. Waxaa u suura gashay in uu si toos ah ugu biiro kooxaha waaweyn ee dalka waxaa ka caawiyay in uu heerkaasi gaaro walaalihii oo iyagu ahaa ciyaaryahanno kuwaasi oo kala ahaa Sacid Ismaaciil iyo Xuseen Ismaaciil oo u ciyaarayay  Hoseed iyo Jeenyo

Markii uu jiray da’da 14-15 ayuu ku soo biiray kubadda cagta kooxda Horseed ayuu isla markiiba kamid noqday, Maxamed waxa uu ahaa laacib aad ugu wanaagsan daboolidda garabka biddix ee weerarka. Siteey waa halyay aan koox kale xiran maaliyadeeda keliya Horseed ayuu u ciyaaray oo uu wakhtigiisa ku dhammeystay oo uu kula guuleystay afar koob oo horyaalka ah intii uu joogay naadiga Horseed 1975-illaa1981.

Xasuusta guuldarro  Siteey ee xagga naadiga Horseed  waa ciyaartii finalka koobka loogu qaaday, markaasi oo ay galeen kaalinta labaad tartanka kooxaha bariga iyo bartamaha Afrika, naadi ka socday Kenya ayaa ugu danbeyn koobka ka qaaday.

Sanndkii 1975 ayaa loo magacaabay xulka qaranka Soomaaliya isaga oo kulankisii ugu horreeyay kasoo muuqday 1976-kii ciyaar dhexmartay xulka Soomaaliya iyo Zanzibaar ciyaarihii lagu qabtay dalka Zanzibaar ee bariga iyo bartamaha Afrika, kulamadaasi waxaaa tababare u ahaa qaranka allaha u naaxriistee Cumar Canjeeste iyo leyliye kale oo u dhashay waddanka China.

Maxamed waxa uu safaro ku tagay dalalka dhaca qaaradaha Afrika iyo Asia, sida dalalka Kenya,Uganda,Malawi,Tanzania,Zambia,Niger,Suudan,Masar, iyo Kuweyt halka kooxda Horseed uu safaro kala qeyb galay sida Midowgii Soofiyeeti maadaama xilligaasi dowladaha hanti wadaagga ay jireen kuwaasi oo dheeli jiray ciyaaraha ciidamada , wadamada kale ee uu u safray waxaa kamid ah Cuba, Bariga Jarmalka oo hadda Jarmalka loo yaqaan iyo Yeman.

Guuldarradii ugu xumeyd ee uu xulka qaranka waxay aheyd ciyaaro lagu qabtay magaalada Muqdisho tartanka jaamacadda carabta kaasi oo ka dhacay Stadium Muqdisho kulan ay la ciyaareen waddanka Ciraaq.

Guulaha uu la gaaray xulka qaranka waxaa kamid ah tartanka Bariga iyo Bartamaha Afrika oo ay galeen kaalmaha seddexaad iyo afaraad, halka kan jaamacadda carabta ay tiigsadeen kaalinta 2aad.

1981 ayay u suura gashay in uu tago dalka Qatar isaga oo dalkaasi ku sugnaa illaa 1999-kii markaasi oo uu ahaa ciyaaryahan iyo tababare, Maxamed waxa uu tababare u soo noqday ciyaartoyda sagaal jirrada iyo tobban jirrada isaga oo halkaasi maamula ka ahaa 10 sanno.

Ciyaaro lagu qabtay Muqdisho oo ka tirsanaa koobka ciidamada jaamacadda carabta ayuu kula guuleystay horseed kuwaasi oo ay ka qeyb galeen naadiyo ka dhisan wadamada Aljeeriya,Yeman iyo kooxda Munishiibiya.

Maxamed waxa uu noqday laacibkii ugu horreeyay ee seddex gool ka dhaliya garoonka Stadium Muqdisho kulan ay la ciyaareen dalka China sannadki 1978. Siteey waxa uu hantay dhowr shahaado sida Fifa iyo midda xirrirka Asia kuwaasi oo la xiriira tababarnimo. Sannadkii 1999-kii KNVB Academy ayuu u aaday tababar macallinimo.

W/Q: Maxamed Xasan Maxamed

Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com

No comments