Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

La kulan- Orodyahankii Soomaaliya u soo hoyay biladda dahabka 2019



Cabdullaahi Jaamac Maxamed waxa uu sannadkii 2002-dii ku dhashay magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag, isaga oo halkaasi ku qaatay inta badan waxbarashadiisa sida Qur’aanka iyo maadiga.
Cabdalla ayaa dugsiga hoose iyo dhexe kaga baxay  iskuulka Surud ee ku yaalla magaalada Ceerigaabo halka midka sarre uu ku dhammeystay Dayaxa Secondary School ee isla Ceerigaabo sannadkii 2016.
Wixii intaasi ka danbeeyay waxa uu u weecday dhinaca cayaaraha orodka oo uu ugu danbeyn mid kamid ah riyooyinkiisii carruurnimo uu ka gaaray. Sannadkii 2014-kii waxa uu ka qeyb galay cayaaraha orodka gobalka Sanaag kaalinta 2aad ayuu ka galay oradkii ahaa 800 Mitir.
Sannadkii 2016-kii waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho isaga oo ku biiray kooxda Iimaan Hospitaal oo kamid ah naadiyada u diiwaan geshan xiriirka cayaaraha Fudud ee dalka, halkaasi oo aheyd meeshii uu magaca iyo sharafkaba uu ku sameeyay laacibkan qaran.
Iimaan Hospital waxa uu la hantay seddex koob oo kala ah laba horyaal iyo tartanka Jeneraal Daa’uud.  Sannadkii 2017-kii horyaal iyo Jeneraal Daa’uud ayuu kula guuleystay halka 2018 uu la hantay hal horyaal. Isla sannadkaasi waxa uu kaalinta 2aad ka galay oradka 5000 Mitir ee qori isu dhiibka kana dhacay Muqdisho.
Qof waliba oo dunida ku nool waxa uu ku hammiyaa mar uun sidii uu calanka dalkiisa isaga oo huwan ugu qeyb geli lahaa tartan caalami nooc waliba oo uu ahaado, ogowse waxay ku timaadaa dadaal iyo karti ka dheeri ah tan riyada.
Guusha iskama timaado oo mararka qaar waxaad ku weyn kartaa shaqsiyaad kugu qaali ah, Cabdalla si uu guulo ugu keeno xulkiisa waxa uu seddex sanno iyo bar uusan arag reerkiisa, mana jiri karto sharaf ka weyn in aad daafacdo calankaaga.
Bishii Janaayo 2019 waxaa si buuxda looga yeeray xulka qaranka Soomaaliya isaga oo tababar ahaan loo geeyay dalka Itoobiya halkaasi oo cimilo ahaan ciyaartoyda orodada ay u tahay meel u wanaagsan si ay ula qabsadaan jawi ahaan dal waliba oo ay tagaan.
Tababar kaddib bishii Maarso, Cabdalla ayaa Jabuuti kaga qeyb galay orodka 1500 mitir ee International Meeting De Djabouti halkaasi oo uu guul taariikhi ah ugu soo hoyay qaranka Soomaaliyeed, waxayna aheyd guul ay Soomaalida oo idil u riyaaqday taasina waxaa ku ammaanan orodyahan Cabdalla oo si shaqsi ah ku galay kaalinta 1aad isaga oo hantay biladda dahabka.
Isla 2019 bishii April waxa uu ka qeyb galay tartanka Anoca Zone V Youth Games ee ka dhacay dalka Rwanda, waxa uu orday 1500 mitir isaga oo ku guuleystay biladda Maarta kaddib markii uu galay kaalinka 3aad.
Markii seddexaad oo uu xulka metalo waxay aheyd bishii August isaga oo ka qeyb galay cayaaraha Afrika ee African Games kaasi oo ka dhacay dalka Moroco, waxa uuna ka galay kaalinta 9aad, wuxuuna ahaa orodka 1500 mitir.
Hadda waxa uu isku diyaarinayaa cayaaraha World Championship ee ka dhici doona dalka Qatar gaar ahaan caasimadda Doha bishan September 2019, isaga oo rajo fiican ka leh sidii uu qarankiisa guul kale ula soo hoyn lahaa.
W/Q: Maxamed Xasan Maxamed

No comments