Sidee hoggaamiyaasheenna ugu dayan karaan Madaxdii la Mahdiyay?
Mary Harper oo
katirsan BBC Africa ayaa qabta inaysan jirin meel Soomaaliya loogu tilmaami
karo dal fashilmay, maadaama tan iyo dhicista xukunkii Siyaad Barre ay bulshada
Soomaaliyeed juhdi iyo halgan dheer u soo galeen sidii ay iskood u buuxin
lahaayeen kaalintii dowladnimada oo meesha ka baxday.
Inaad Soomaali
noqoto marka laga eego dhinaca fiican ayay tiri, Shamis Ismaciil Xuseen
oo cilmi baaris ku sameysa geeddi-socodka hab nololeed ee dalka Soomaaliyeed,
waa in jiritaan la’aanta hannaan dowladeed oo sugan ay haddana nolosha ku
qaabileen hal-adeyg iyo horusocod.
In ka badan rubac
qarni dalka dhaca bariga qaaradda Africa ayaan helin xasilooni dadkiisu kaga
samata baxaan mahadhadii dhacday 1991, tani waxaa dib loogu celiyaa in
Soomaalida ayna helin tan iyo xurnimadii 1960-kii hoggaamiye indheer-garad ah
oo ka madax bannaan nin jecleysi, musuq joogta ah iyo xukun jaceyl.
“Kuwa u yimaada
inay noogu yaboohaan digir, galley, caano iyo saliid, ma ahan kuwo ina
caawinaya. Kuwa dhab ahaan u doonaya inay gargaar noo fidiyaan, waxay noogu
deeqi karaan agabyada kaalmaatiga u leh wax beerashada sida cagaf-cagaf,
bacrin, riig ceelal lagu qodo iyo cayayaan-dile lagu ilaaliyo tacabkeenna. Waa
taas gargaarka cunnada ee dhabta ah.”-Thomas Sankara.
Waa mid kamid ah
hoggaamiyaasha ay dadkiisu mahdiyeen xukunkiisii ku dhisnaa dal jaceylka oo uu
ku maamulayey dalka Burkino Faso.
Stephen Kinser oo
ah qoraaga buugga Thousand Hills in Collabortaion with Kagame Himself, wuxuu
ku tilmaamay mid kamid ah hoggaamiyaasha Africa kuwooda ugu doonista adag.
Wuxuu gudaha buuggiisa ku sheegay in Kagame uu leeyahay hibada iyo xirfadda
hoggaamiye-nimada taasi oo lagu gartay go’aankiisii adkaa oo uu qaatay kaddib
markii uu af-meeray Xasuuqii Boqolka Maalmood.
In 100 Maalmood ama
seddex bil iyo ayaamo aan gaarsiisneyn 10 cisho mid kamid ah qabaa’illada dalka
Rwanda qudha loogu jarayey si maalinle ah 14,286 oo qof xitaa tebiyihii BBC
World Service ee Mark Doyle uu garan waayey qiyaasta ruux baxda, uu maanta
dhanka horumarka Africa kaga jiro boos sare, waxaase cajiib ah in caasimaddiisa
Kigali tahay midda ugu billicsan qaaradda balse weydiinta uu qof weliba si
nafsiyan isu hordhigayo ayaa ah sababta dal 1994-kii dhibbanaa maanta sidan u
horumaray mise duni kale ayaa lagu beeray? si fudud warcelinta ayaa ah maya ee
waxay heleen hoggaamiye Kagami oo la yimid tallaabooyin ficil isu beddelay.
“Malihi wax qoomamo
ah. Waxaan waqtiga ugu badan ku bixiyay dhismaha dalkan. Mana jirto wax intaas ka
badan oo aan u baahnaa inaan sameeyo. Gabagabada maalmahayga, waxaan helay
Singapore guuleysatay. Waxaana aan u huray cimrigeyga.”- Lee Kwan Yew.
Ma jirin cid
rumeysneyd in dunida uu kasoo bixi doono dal la yiraahdo Singapore isakaba daa
in heer sarre dunida ay kaga naaloodaan. Waxayna wargeysyada caalamka fiidda
sarre ee ciwaanadooda u saarnaa qoraalka ‘ Singapore is out’ waa u dhammaatay
Singapore, balse Lee ayaa u beddelay duni maanta isu heysata amni, nadaafad,
iyo kobac dhaqaale.
“Inaan in yar gudaheed
ku noqono mid kamid ah dalalka ugu horumarsan dunida, waa in aan ugu
mahad-celinaa halgankii indheer-garadnimada lahaa ee Lee Kwan Yew.” – Patric Liew.
Dunida maanta
quwadaha adduunka waxaa halka sarre kaga jira dal la yiraaahdo Turki oo ay badi
dadkiisu yihiin Islaam, kahor hoggaamintii indheer-garadnimada laheyd ee
Erdogan dalkan magaalooyinkiisa ugu waaweyn sida Istanbul waxay aheyd magaalo
qashinka dhex ceegaagayo balse mucjisada la mahiyay ee Rajab ayaa maanta
Turkiga ka dhigtay in uu kamid yahay dalalka ku horumaray dhaqaalaha adduunka.
“Dal weliba waxa uu
u baahan yahay hoggaamiye adag si uu u horumariyo dhulkiisa.”-Rajab Dayib Erdogan
Runtii
hoggaamiyaashan ku xusan warbixinta ee aan inta badan kasoo qaaday Buugga
Madaxdii La Mahdiyay waxaa intooda ugu badan ay diiradda saareen wax soo saarka
gudaha iyaga oo meel iska dhigay kaalmada caalamka ee aad moodo sida in dal la gumaysannayo.
Dalkeenna waxa uu
Eebba ku manneystay khayraad badan sida Bad, webi, iyo dhul beereed innagu
filan, balse intaasi innaga oo heysanna ayay abaaruhu noogu kor socdaan sida
roobkii labadii sanno mar. Weydiinta qof waliba oo muwaadin Soomaaliyeed ah
maankiisa ka guuxeysa ayaa ah, maxaa diidaya in madaxdeenna heer gobal iyo mid
federaal ay diiradda saaraan wax soo saarka gudaha intii ay shisheeyaha kaalma
ka sugi lahaayeen? Waase warcelin laga dhowrayo hoggaamiyaasha dhaarta u maray
danta qaranka.
WQ: Maxamed Xasan
Maxamed
Farriin Danabeed:
Mohassan484@gmail.com
No comments