Ahmiyad intee la eg ayay u leeyihiin dalka dib u dhiska taallooyinka?
Taallo waa goob lagu xuso laguna maamuuso
shaqsiyaadka loo aqoonsaday in ay yihiin halyeeyo bulsho, sidoo kale waxaa laga
dhigi karaa goobo xusuuso gaar ah leh sida kuwa ay ka dhaceen musiibooyin.
Taallooyinka waxay si weyn ugu qeyb qaataan
quruxda iyo billicda deegaanka ay suran yihiin, halka ay ku taallana waa goob
ka ilbaxnimo badan magaalooyinka kale aan laheyn dhismo taallo.
Waxaa intaa dheer oo ay kaga geddisan tahay, waxaa ku badan
oo aad u jecel dadka dalxiisayaasha ee ka imaanaya dibadda oo xiiseeya
booqashooyinka goobaha ay ku yaalaan, sababtuna waa in ay tahay goob
taariikheed.
Qaran burburkii ku yimid dalka sannadkii
1991-kii waxaa meesha ka baxay in badan oo ah goobaha taariikhiga sida taallooyinkii
dalka uu caanka ku ahaa oo ay kuwa ugu badan ku yiileen caasimadda Muqdisho.
Inta badan taallooyinka magaalada caanka ku
ahayd sida Xaawo Taako, Daljirka Daahsoon, Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, SYL, Axmed Gureey iyo Dhagaxtuur oo
ahaa kuwii ugu badnaa ee uu ku yimid burburka ayaa hadda qaar kamid ah u muuqda
in lagu sameeyay dayactir qurxoon inkastoo aan loo dhammeystirin aqoonsiyadii
ay caanka ku ahaayeen.
Waxay markoodii hore ahaayeen goobo caan ah
oo loo dalxiis tago, dadkii noolaa berigii hore markii ay arkaan dhismayaasha
iyo waxa ay ka tarjumayaan, isla markiiba qof waliba ayaa suuradeysan jirey in
sawirrada kor suran dhismayaasha uusan dheel ku imaan balse uu ahaa mid dhiig
ku daatay.
Dib u dhiska xusuusahaan, ahmiyahadaha ay
leeyihiin waxaa kamid ah in dhallinyarada Soomaaliyeed ee lasoo jaan qaaday
burburka ay ka baran karaan wax badan, maadaama maqal keliya ay ku heystaan
magacyada halyeeyadaan kuwaasi oo naftooda u huray sidii Soomaalida danbe ugu
noolaan lahaayeen xurnimo loo dhan yahay.
Ahmiyadaha waxaa intaasi dheer in ay noqon
karaan goobo loo dalxiis tego, kana qeyb qaadan kara billicda iyo quruxda
magaalada Muqdisho, xitaa ay suura gal noqon karto in dakhli laga sameeyo si
loogu damaashaad tago.
W/Q: Maxamed Xasan Maxamed
Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments