Mala joogaa xilligii dhaqaale laga sameyn lahaa dalxiiska gudaha?
Dalxiisku waa mid kamid ah ilaha dhaqaale ee
uu ku xisaabtsamo dal, wadamada qaar waxa uu dalxiisaka ka yahay isha dhaqaale
ee ugu weyn. Dalxiiska Soomaaliya waa adeeg iyo mashruuc horumarineed ay
gacanta ku hayso Wasaaradda Dalxiiska ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Soomaaliya oo dhacda bariga qaaradda Africa
ayuu Alle ugu nimceeyay goobo badan oo ku wacan dalxiiska waxaa lagu tilmaamaa
ama lagu sheegaa in safka ugu horreeya ay kaga jirto qiimeyn ahaan dalalka
kasoo muuqan kara ka sameynta dakhli dhanka dalxiiska marka loo eego kuwa
qaaradda Africa.
Sababta Soomaaliya ka dhigaysa meel ku wacan
dalxiiska ayaa ah in ay ku badan yihiin goobaha taariikhiga ah, xeebaha,
buuraha kala sarreeya iyo biya soo dhaca dabiiciga ah ee laga helo degaanno
badan oo waddanka kamid ah.
Balse sidaasi oo ay tahay dalkeenna sidii la
rabay uguma faa’ideysan oo dadkeenna ayaan ku baraarugin in uu yahay il
dhaqaale midda ugu sahlan ee dakhli laga sameyn karo.
Sannadihii ugu danbeeyay dhallinyarada
Soomaaliyeed ayaa ku dhiirraday in ay degaan ka degaan u dalxiisaan si ay u
muujiyaan qurruxda iyo billacda dalka uu leeyahay laakiin iyaga kama eegin
dhanka dhaqaalaha. Dhinaca kale waxaa in loo dalxiiso dalka ka marneyn dad
shisheeyo oo iyaguna jecleystay in ay booqasho ku imaadaan dalka.
Goobaha sida gaarka ah loo jecleystay ee ku
wacan dalxiiska waxaa kamid ah magaalooyinka xeebaha iyo kuwa ay maraan
webbiyada oo uu Alle noogu deeqay dhul cagaaran oo doogsiga indhaha u wacan.
Meelaha sida aan caadiga aheyn isha loogu
hayo waxaa kamid ah Cadalle, Jasiira, Liido, War-shiekh, Marka, Laas Geel, Eyl, Jasiiradda Saacda Diin, Goobweyn, Lama
Daya, Laag, Biyo Kulule, Buurta Daallo, Buuraha Calmadoow iyo goobo kale oo aan halkaan lagu soo koobi
Karin kuwaasi oo ku wacan doogsiga ilqabadka.
Qubarrada daraaseeya arrimaha dalxiiska ayaa
ku tallinaya in hadda la joogo wakhti munaasab ah taasi oo ay ka faa’ideysan
karaan dadka jooga degaannada ku wacan u dalxiisidda iyaga oo u diyaarinaya goobo
u qaas ah dadka usoo dalxiisaya.
Tusale ahaan marka aan damaashaad ku gato
degmada Cadalle waa in aan heli karaa agab, hooy iyo in la ii geyn karo meelo badan oo isla degmada
ah, anniga oo bixinaya qarashka ku baxaya goobaha aan tegayo, taasina waxay fursad
dhaqaale u tahay dadka degaanka oo lacag ka sameyn kara sidoo kalena shaqo
abuur halkaasi ay imaan karto.
W/Q: Maxamed Xasan Maxamed
Farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com
No comments