Maxaan ka dhaxleynaa marka hareeraha waddooyinkenna lagu beero geed miroodka?
Dunida maanta waxaa
lagu tartamayaa in la beero geedaha iyada oo looga gol leeyahay in laga hortago
xaalufinta degaanka iyo isbeddel ku imaanaya cimillada isla markaana la helo
degaan cagaaran si ay manaafic ugu helaan dadka iyo duunyada.
Ahmiyadda ay leedahay
geed beerista waxa lagu sheegay Quraanka taasi oo ku tusineysa muhiimaddiisa, sida
nabigeenna ka sugnaatay waxa uu yiri inaad geed beerto oo la cuno waa saddaqo,
sidoo kale haddii la xado waa ajar, haddii lasoo booqdanna waa saddaqo aan
idlaan oo uu Eebbe kugu abaal marinayo, sidoo kale riwaayad uu weriyey Muslim
ayaa sheegeysa qofka muslimka ah haddii uu geed beero isla markaanna bini
aadamka, xayawaannada lararto isal markaanna ay shimbiraha cunnaan waa saddaqo
taasi oo kuu soconeysa ilaa maalinta qiyaamaha.
Dhammaadka bishii July 2019 dowladda Itoobiya
ayaa dunida ka sameysay rikoor lama ilaabaan ah kaddib markii ay hal maalin ku
beertay 350 milyan oo geed, taasi oo ay ku doonayaan in degaankooda ay ka
dhigaan goob cagaaran.
Ra'iisul wasaare Abiy Ahmed oo geed beeraya isaga iyo shacabkiisa. |
Taariikhaha la xiriirta dhir beerista intaasi
kuma eka oo waxaa jira rikooro badan oo ku dhigan buugga diiwaanka caalamka,
bal haddii mid kamid ah aynu halkaan kusoo bandhigno dhiganayaalkaasi, Ken Chaplin oo u dhashay dalka Canada
ayaa sannadkii 2001 ayaa hal maalin ku beeray 15,170 oo geed.
Billowga geed biirista. |
Sameynta
wanaagsan waa mid kamid ah waxyaabaha kuu sahlaya gelidda Jannada oo ah halka
uu qof waliba oo muslim ah ku riyoodo, meelaha ku habboon in aad ku muujiso
wanaagga waxaa kamid ah daryeelidda duur joogta iyo dab joogga adiga oo halka
ugu sahlan ka dhigi kara in aad geed u beerto.
Tusaale dalka
Holland oo kamid ah dalalka ku yaalla qaaradda Yurub waxay bilaabeen in saqafka
sarre ee goobaha dadka ku sugaan gaadiidka dadweynaha ay ku beeraan ubaxa taasi oo faa’ido u ah shinnida iyo noolaha
kale.
Goobta dadweynaha ku sugaan gawaarida oo saqafka sarre dhir ku beeran tahay. |
Bal qiyaas
haddii Holland ay u daneynayaan duunyada inagunna maxaa inoo diidaya in aan ku
dayanno isla markaana hareeraha waddooyinkeenna aynu ku beerno dhir? Haddii ay
suura gal noqoto fikraddaan, faa’idada ka dhalan karta waxay tahay in darbi
jiifteenna ay u tahay meel ay kaga maarmi karaan in dadka wax weydiistaan isla
markaanna ay yareyso baahi badan oo ay dareemi lahaayeen sidoo kalena goobaha
ay dhirta ku beeran tahay waxaa kasoo baxaya muuq qurxoon, beeraha dhirtaasina
uu Ilaah abaal gud u siinayo ajar fara badan.
W/Q: Maxamed
Xasan Maxamed
Farriin danabeed:
Mohassan484@gmail.com
No comments