Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

78-sanno jirka guursaday gabadh 17-jir ah, balse kala tegay 22 maalin kaddib guurkooda

 


Gudaha  Indonesia, 78-sanno jirka  Abah Sarna ayaa guursaday Noni Navita oo 17-sanno jir ah bishii lasoo dhaafay. Balse 22 maalin guurka kaddib, arooska ayaa go’aansaday in uu iska furo aroosadda.

Farqiga da’da, lamaanaha ayaa qabsaday bogagga hore ee warbaahinta bulshada, balse waa markii Abah go’aan ku gaaray kala tegidda Noni, xubno ka tirsan qoyska gabadha ayaa aad ula yaabay arrinka, sababtuna waxay tahay in xiriirka lamaanaha uusan wax caqabad ah ka jirin.

Iyan oo ah walaasha aroosadda ayaa warbaahinta sidan u sheegtay: “Waa aan la yaabay maqlidda hadalkan, wax waliba waxay u muuqdeen si wanaagsan marka loo eego xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeyay lamaanayaasha. Waxa ay intaasi raacisay, “Qoyskeennu ma jirin wax caqabad ah oo kala dhaxeeyay isaga, dhibaatadu waxa ay ka timid isaga iyo qoyskiisa kuwaasi oo u muuqanayay in ay diiddan yihiin guurka”.

Aroosadda ayaa lagu eedeeyay in ay laheyd Uur kahor guurka, taasi oo 78-jirkaan ku dhalisay furidda gabadhan. Noni oo ah gabadha la dhalatay aroosadda ayaa arrinkan beenisay.

Sida ay werinayaan warbaahintu, Abah ayaa meher ahaan u siiyay 50,000 oo ah lacagta  rupees oo u dhiganta xilligan $671, sidoo kale waxa uu u raaciyay mooto iyo alaabta guriga.

 

No comments