Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

La kulan- Ninka 30-kii sanno lasoo dhaafay ku deeqay dhiigiisa in ka badan 700 jeer.



Tani waxa uu sameynayay in ka badan 28 sanno, laakiin weli ku deeqidda dhiiga kama uusan duqoobin Sherman Hirsch, oo 90 sanno jir kaasi howshaan soo bilaabay horraantii 90meeyada.

Kaddib markii uu deeqay dhiigiisii ugu horreeyay, Hirsch ayaa bilaabay in bishii uu laba jeer deeqo isaga oo xilligaasi ka shaqeynayay iskuul oo uu bare ka ahaa. Markii uu shaqada ka fariistay sannadkii 1995-kii, waxa uu jadwalkiisa labada maalin u beddelay in Isniin waliba uu deeqo dhiigiisa isaga oo u marsiinaya waaxda Bisha Case e degaankiisa.

“Waxaan go’aansaday sameynta falkan, waan sameyn karaa si aan u caawiyo dadka kale, ayuu Hirsch u sheegay Good Morning America.

Sherman Hirsch, ayaa dhiigiisa dadka ugu deeqay in ka badan 700 jeer isaga oo sheegay in sannadkii uu 24 jeer uu dhiig bixiyo.

Aragtiyada dhiig bixinta waa mid kamid ah waxyaabaha xaqiijinaya bini-aadannimada isla markaanna horseedi karta in qofka xagga rabbi uu ka helo xasanaad badan.


No comments