Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Xittaa haddii ay jirto xayiraadda COVID-19, Muslimnnimadu waa wehelka qofka!


Iyada oo lagu guda jiro xayiraadda uu caalamka ku hayo safmarka COVID-19, ayay qoys Mareykan ah muslimeen hal sanno un kaddib markii hooyada reerka ay rumeysay Islaamnnimada.

Muuqaal kooban oo lasoo dhigay digalka YouTube, ayaa lagu soo bandhigay hooyada oo taagan isla markaaanna ay ku wehlinayaan seddexdeeda carruur  iyo  Sheikh Yasir Qadhi kuwaasi oo taagaan masjid  uu alaabadu u laaban yahay laguna magacaabo East Plano Islamic Center Masjid (EPIC).

Inanta ugu yar oo ay da’deedu tahay  sagaal sanno jir ayaa hoggaanka u heysay aqbalidda Islaamnnimadu iyada iyo walaalaheeda sida gabadha ka weyn iyo walaalkeed markii ay qirayeen shahaadada.

Masjidka East Plano Islamic Center Masjid (EPIC) ayaa ku yaalla gobalka Texas ee dalka Mareykanka.

Tani ma ahan markii ugu horreysay oo uu qof rumeeyo Allah iyo rasuulkiisa inta lagu guda jiro xayiraadda COVID-19.

Bishii April 2020, halyeeyga reer Austaralia, Wilhelm Ott, ayaa ku dhawaaqay shahaadada islaamka isaga oo hoygiisa ku sugan si uu u ilaaliyo kala fogaanshiyaha sabab la xiriirta COVID-19.

Sidoo kale bogga ay digalka Youtube ku leeyihiin masjidka East Plano Islamic Center Masjid (EPIC) ayay kusoo bandhigeen nin iyo gabar 16 jir kuwaasi oo rumeeyay Islaamnnimadu.


No comments