Goorma ayay reer Beledweyne noqdeen qaxooti?!
Waxaa aad ii soo jiitay hadal uu jeediyay dhawaan Cali Jeyte Cismaan oo ah guddoomiyaha gobalka Hiiraan oo uu kaga hadlayay saameynta fatahaadaha.
Waxa uu si adag ugu hadlay dhibaatooyinka ay leeyihiin hay’adaha deeq bixiyaasha ama NGO-yada kuwaasi oo dadka ka bara kiciya magaalada isla markaanna ugu gacan haatiya bannaada halkaasi oo ay ka dhalan karto saameyn ka balaaran midda magaalada.
Guddoomiye Cali ayaa yiri: “ Goorma ayay reer Beledweyne noqdeen qaxooti?, Runtii waa mid kamid ah hadallada ugu saameynta badan ee uu ku warramo qof xil kahaya dalkeenna, iyada oo aan ognahay in dalkeenna oo barwaaqo ah aysan dadkeennu ka faa'ideysan iyaga oo dawarsi la qurxiyay weydiiya dalalka caalamka kuwaasi oo inoo keena wax aan innagu heysanno.
Muddo lix bilood ayaa laga joogaa markii fatahaad qasaaro naf iyo maalba dhalisay laga soo weriyay magaalada barwaaqada ee Beledweyne fatahaaddaasi oo uu sababay webiga oo magaalada ku hareereysan balse lix bilood kaddib waxba iskama beddelin Beledweyne iyada oo aan la muujin wax kahor tag ah.
Thomas Sankara oo ahaa hoggaamiyihii dalka Burkina Faso oo mar ka hadlayay haddimada caddaanka ayaa yiri: “Kuwa u yimaada inay noogu yaboohaan digir, galley, caano iyo saliid, ma ahan kuwo ina caawinaya. Kuwa dhab ahaan u doonaya inay gargaar noo fidiyaan, waxay noogu deeqi karaan agabyada kaalmaatiga u leh wax beerashada sida cagaf-cagaf, bacrin, riig ceelal lagu qodo iyo cayayaan-dile lagu ilaaliyo tacabkeenna. Waa taas gargaarka cunnada ee dhabta ah.”
Dadkeennu uma baahna gargaar oo waxay u baahan yihiin agab si ay ugu kaaftoomaan gacanta shisheeye oo sannadihii danbe noqday wax ka caadi ah dalkeenna iyada oo qof waliba oo ay duruufi wajahdo goorta uu la hadlayo warbaahinta uu ku hadal qabsannayo ‘Waxaan beesha caalamka weydiisaneynaa gargaar degdeg ah’ inta hadalkaa uu maskaxdeennu ku jiro waxaan ku danbeyn doonaa gacanta shisheeye xilli dalkeennu uu yahay mid barwaaqa ah dhinac waliba oo aad dul fariisato.
W/Q: Maxamed Xasan Maxamed.
Farriin danabeed; Mohassan484@gmail.com
No comments