Halkan Waa Astaanta Dhiganaal La Mahdiyay

Warbixinno ku xiisa geliya

Maanta oo kale markii aan doortay ku shaqeynta warbaahinta!



Waayaheyga billowga warbaahinta waa qiso anniga igu saabsan balse dhammaadkeeda waxay ku foolan tahay adiga!


Safarkeyga warbaahinta waa mid ay xiisa ku laran tahay kaasi oo igu dhashay carruurnimadeydii xittaa anniga oo aan gaarsiisneyn da’da 10 sanno. Maanta oo kale 26-kii Febraayo 2017 ayafy aheyd markii aan si rasmi ugu mid noqday bahda wariyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan idaacadda Himilo.

Sida ay ku timid noqoshada saxafinnimada: Bishii August 2016, waxaan kamid noqday ardayda jaamacadda Muqdisho, markii aan ku biiray waxaan doortay barashada kulliyadda dhaqaalaha gaar ahaan Xisaabaadka ama Accounting.

Mid kamid ah macallimiinta oo aan goortaasi aqoon balse ugu danbeyntii saaxibbo noqonnay isla markaanna sabab u ahaa in aan kamid noqdo shaqaalaha jaamacadda gaar ahaan qeybta warbaahinta ee Radio Himilo ayaa ahaa shaqsiga aan ka helay dhiira gelinta isaga oo ardayda had iyo goor ku boorin jirey in la shaqeyn karo  iyada oo wax la baranayo, ruuxaas waa Ustaad Wehliye oo ah xoghayaha kulliyadda Maamulka iyo Dhaqaalaha ee jaamacadda Muqdisho.

Maalin Axad bishuna aheyd November 2016, ayuu ustaad Wehliye ila kulan-siiyey  Macallin Aweys Caddow oo xilligaasi mid kamid ah fasallada qeybteenna wax u dhigayay isla markaanna ahaa agaasimaha idaacadda Himilo, waxaan anniga iyo isaga kulan ku wada qaadannay qol ay macallimiinta ku shaahiyeeyaan, weydiimo iyo warcelin kaddib waxaan isku af-garannay in uu isoo weci doono ku celcelin iyo dadaallo aan ku bixiyay sidii aan ugu mira dhalin lahaa hiigsigeyga ugu danbeyn waxaa la gaaray maalinkii aan noqon lahaa weriye taariikhduna waxay dul istaagtay 26-02-2017.

Mahad celin midda ugu weyn Rabbi ayaa leh, balse waxaan la ilaabi karin dowrkii ay ku lahaayeen saaxibbadii iga saaciday in aan rumeeyo riyadeyda carruurnimo sida ustaad Wehliye, agaasime Aweys Caddow, Ismaaciil Maxamed Samatar  iyo walaalkeyga iga weyn Cabdiqaadir Axmed Cumar oo isagu had iyo goor ila garab taagan wax waliba oo aan u baahdo, waa ku mahadsan tahay walaal.

Markii aan kamid noqday saaxibbada Himilo sannadka ugu horreeyay xaqiiqdii ma aheyn sida aan maanta ahay, sababta oo ah goortaasi way igu adkeyd in aan noqdo barnaamij soo saarre ka adag howshiisa, oo wakhtigaasi waxaan faham guud ka heysan dhinaca luuqadaha sida carabiga iyo English-ka.

Sannadkii xigay ee jaamacadda, marka aan idleystay semistarka 3aad ayaa go’aansaday in aan ka beddesho nidaamka 5ta maalin ee jaamacadda isla markaanna aan u weecdo habka Jimco iyo Khamiis ama Part time, taasi waxay noqotay mid ii suura gasha.

Sababta ugu weyn ee ka danbeysay arrinkaa waxay aheyd sidii aan ku hormarin lahaa xagga luqaadaha gaar ahaan waxaan diiradda saaray luuqadda English-ka, Ilaah baa mahadsan iyo macallimiinteyda, maanta sida aan aamminsannahay sidii aan ahaa sannadkeyga ugu horreeya jaamacadda iyo idaacadda wax badan ayaa iska beddelay.

Waxaan hadda warbaahinta ku jiraa muddo afar sanno ah oo uu maanta ii idlaaday gugayga afaraad, waxyaabaha ii hirgalay ee aan aqoonta u laheyn kahor ku biirataankeyga Himilo waxaa ugu weyn in aan isbeddel ku sameeyay hab dhigaalka saxan ee afkeenna, luuqadda englishka, muuqaal jarjaridda, muuqaal duubis, qoridda website iyo in aan awood u leeyahay soo saarista barnaamij waliba sida gudaha iyo dibadda.

Bartamihii bishii September 2019, waxaan abuuray mareeg shaqsiyadeed oo aan ku qoro dhigaallo ii gaar ah sida kuwa aan tarjumo iyo kuwa abuuris ku yimaada runtii maalinkaa iyo maanta inta u dhaxeysa dadka booqday bloggeyga  ay aad u tiro badan yihiin.

Ugu danbeyn waxaan halkaan ugu mahad-celinayaa shaqsi waliba oo ka qeyb ahaa safarkeyga warbaahinta oo aan maanta u dabaal degayo sannadkii 4aad oo aan mihnadda saxaafadda ku jiro.

Qore: Mohamed Hassan Mohamed
Kala xiriir, farriin danabeed: Mohassan484@gmail.com

No comments