Iska illow guur iyo carruur, dalxiiska waa sirta dhabta ah ee farxadda
Xaqiiqdii inta badan tani layaab kuguma noqon
doonto, laakiin dhabta halkaan ayaa darseysa in dalxiiska uu na farxad gelinayo.
Wax badan waad maqashay safarka balse khibrad badan uma lihid farxadda uu
leeyahay ku safridda goobo badan gude iyo dibadba.
Daraasad ay daabacday Booking.com, ayaa xogo looga
dhageystay inka badan 17,000 qofood kuwaa oo ka kala socday 17 dal, iyaga oo
sheegay in dalxiiska uu ka farxad badan yahay wax waliba xittaa guurka iyo marka
aad heysato carruur.
Ku dhawaad kala bar (49%) dadweynaha ayaa ku
waceliyay in fasaxa uu iyagu siinayo farxad badan marka loo eego maalinka
meherka, halka inka badan kala bar (51%) ay door bidayaan dalxiiska si ay
wakhti ula qaataan qofka ay xiriir la leeyihiin.
77% waxay sheegeen in goorta ay helaan fasaxa
shaqada isla markaanna ay dalxiisayaan farxaddoodu tahay mid sarreysa marka
lala barbardhigo inta ay joogi lahaayeen guriga.
Picture 123rf |
Picture 123rf |
Picture 123rf |
No comments